Taariikda Af- soomaaliga .

TAARIIKHDA AFSOOMAALIGA
Hordhac

Cadadkan  ka hadlaya taariikhda af-soomaliga waxaan kasoo guuriyey oo ka tixraacay dollo media oo wax badan ka qortay taariikhda afsoomaliga iyo ragii aqoonyahanka ahaa ee wax ka qoray luuqada af-soomaliga .
Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika kuwa ay ku hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan aad u baaxad weyn oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya.
Inkastoo af Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan dhulka baaxadaas ballaadhan leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972 dii. Muddadii intaas ka horreysay qoraalada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xidhiidhaan wuxuu ahaa luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.

Si arrintaas loo xaliyo waxaa la isku dayey inay wax ka qabtaan aqoonyahano Soomaali iyo ajinebi isugu jira. Tusaale ahaan, sannadkii 1961 dii waxaa la soo hor bandhigey Guddiga Luuqadaha (Linguistic Commission) 18 nooc oo Af Soomaaliga loo qori karo (scripts). 11 farahaas ka mid ah waxay ka mid ahaayeen faro cusub oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen. Toddobada soo hadhayna 4 ka mid ahi waxay adeegsadeen farta Carabiga, halka ay 3 da kale ku salleysnaayeen qoraalka Laatiinka.

Muddadii ka horreysay 1972 dii oo ahayd, sida aan kor ku soo xusnayba, markii xukuumada Soomaaliyeed soo saartey go’aankii qoraalka la aqoonsan yahay ee af Soomaaliga waxaa aqoonyahanada dersa af Soomaaliga ka dhex alloosnaa dood aad u kulul oo ku aadaneyd nooca qoraalka loo aqoonsanayo af Soomaaliga (Official Somali Script). Run ahaantii, dhibaatada taalay ee marnaba suurto gelin weyday in la helo go’aan la isku raacsan yahay waxay ahayd fikirka iyo aragtiyada ay qeybaha bulshaddu ka qabeen arrinkaas oo aad u kala fogaa. Aqoonyahanada hormuudka ka ahaa araa’daa kala duwan waxaa ka mid ahaa: Yaasiin Cismaan Kenediid, Shire Jaamac Axmed, Ibraahim Xaashi Maxamuud, Xuseen Sheekh Axmed Kadare iyo qaar kale oo badan. Sidaas daraadeed, waxaa aynu odhan karnaa dadaal ma yareyn, laakiin waxaa jirtey dood la soo af jari kari waayey.
Waxaa iyana intaas dheeraa sababo kale oo dhawr ah oo loo aaneyn karo qoraal la’aanta af Soomaaliga. Tan koowaad waxaa la odhan karaa waxaa aan xil weyn iska saarin hirgelinta qoraalka far Soomaaliga xukuumadihii gumeysiga ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga.
Mida labaad waxay ahayd dadweynaha Soomaaliyeed oo u arkayey in la isticmaalo far aan ahayn tan Carabiga inay diinta Islaamka lid ku tahay. Tusaale ahaan, wax yar ka hor Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxay Waaxda Waxbarashadda ee maxmiyada Ingiriiska ee ka jirteygobolada waqooyi isku dayday inay hirgeliso qoraal farta Soomaaliga ah oo ku salleysan xuruufta Laatiinka. Waxa ay taasi dhalisey in kacdoon ballaadhani uu ka dhaco magaalada Burco. Halkaas oo dhagax lagu dili gaadhey labadii sarkaal oo ka tirsanaa Waaxda Waxbarashadda. Dadkuna waxayku dhawaaqayeen erayada ah “Laatiin waa La’ Diin”, taas oo macnaheedu yahay “Laatiin waa diin la’aan.” Waxaa dagaalo aad u kulul iskaga hor yimid shacab weynihii mudaharaadka dhigayey iyo ciidamadii booliiska ama amniga. Taas oo dhalisay
in dib looga noqdo mashruucaas isaga ah.

Tan saddexaad, waxaa iyana wax laga saari karaa qoraal la’aanta af Soomaaliga isticmaalka luuqadda Carabiga oo Soomaalidu aad ugu adeegsan jirtey dhinacyo badan oo ku aaddan adeegyada bulshadda iyo arrimaha ijtimaacdiga ah, sida arrimaha shareecada, ganacsiga, iwm. Taas oo malaha dhalisay inay yaraato baahida loo qabo qoraal af Soomaali.
Haddaba, qoraalkan waxaanu si kooban ugu soo bandhigi doonaa taariikhda qoraalka af Soomaaliga oo maanta Soomaalida badankeedu aanay wax badan ka aqoonin, khaas ahaan intii dagaalad sokeeye dhaceen oo qoraalo badan iyo aqoon badan oo af Soomaaliga ku aaddaniba ay lumeen.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s