TAARIIKHDA SOOMALIDA.

Qaybtii 1-aad
Mujtamaca Soomaalida oo Bariga Afrika ku noolaa muddo badan wuxuu soo maray taariikho kala duduwan iyo qowmiyado ku kala horreeyey deegaanka.

Taariikhda aan ka hadleyno oo ka soo bilaabaneysa qarnigii sideedaad waxaan uga hadli doonaa intii Soomaalida soo gumeysatay, mutjamacyadii ku soo noolaa iyo xukuumadihii ay lahaan jireen magaalooyinka caanka ah ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Xeebaha.
Taariikhdaan oo aan ka soo dheeganeeno Buugaag waqtiyo fog horey loo qoray iyo Dukumintiyo ay qoreen dad Bad-mareen ahaa oo magaalo Xeebeedyada Soomaaliya imaan jiray.

Waxaan si faahfaahsan ugu xusi doonaa taariikhdaan oo inta badan aan ka soo qaadaneyno buug uu qoray nin Carab Soomaali ah oo lagu magacaabo Shariif Caydaruus Cali Abuubakar, ninkaasoo si fiican ugu faahfaahiyey waxa ay ahayd Soomaalidii hore.

Maxaa la oran jiray Muqdishooyin?, xaggee ka yimid magaca Muqdisho iyo magacyada Xamarweyne iyo Shangaani?, muxuu ku yimid magaca Gaalkacyo?, sidee ku aas aasantay magaalada Baraawe magacuse ugu baxay?, muxuu magaca War-shiikh ku yimid?, halkeese ka yimid magaca Cadale?.

Meeqa gumeyste ayaa soo martay Soomaaliya?, imisa ayaa Muslim ahayd?, goormey ahayd waqtiyadii ay Soomaaliya soo kala xukumayeen?, sidee u labisan jireen dadkii xilligaas ku noolaa Soomaaliya?, sideese muuqaalkoodu ahaa?, goorma ayey ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya lagu dhigay xaflad lagu xusayo Mowliidka Nebiga NNKH.

Intaas oo su?aalood iyo kuwo ka badan waxaa Sabti kasta idinkaga jawaabaya akhristayaal Bogga Xulasho, waxaana maalinba idiin soo qaadi doonaa meel xiiso leh. Haddii aan ka bilowno waa Maxay Muqdishooyin?, magaalooyinkaan halka magac leh markii loogu yeeri jiray sidaan waxay ahayd xilli qadiim ah oo aan taariikh sugan loo hayn, ayse magaalooyinkaas ku kulmi jireen amaba deganaan jireen dad ku noolaa deegaanadaan iyo kuwo ku imaan jiray safar xagga Badda ah oo ganacsi u badnaa.

Muqdishooyin oo dadka Carabta ahi ugu yeeri jireen Maqaadiish waxaa laysku oran jiray magaalooyinka Muqdisho, Merka, Baraawe, Cadale iyo War-shiikh.
Sida uu xusayo Buugga Bugyatul-aamaal Fii Taarikhi-Soomaal, mararka qaar magaalooyinkaan marka laysku geeyo ayey dadku u aqoon jireen Banaadir iyadoo Caasimadda Muqdisho gaar loo oran jiray, taariikhdaasoo aan iyadana la aqoon waqtigeed cayiman.

Waayadaas dadka ku noolaa magaalooyin Xeebeedkaan waxay ahaayeen dad xagga Ganacsiga ku fiican oo ay caado u ahayd marka ay safraan in haddii ay
arkaan meel deegaanka ku haboon aysan dib ugu laaban halkii ay ka soo safreen oo halkaas deegaan guryeed hor leh ka sameystaan, taasoo badisay deegaanka dadeysan ama la degan yahay ee dhulka Soomaalida.

Sidee ayuu ku baxay Magaca Muqdisho?
Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya kuna taala Xeebta Badweynta Hindiya waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu da?da weyn dalka Soomaaliya iyo weliba magaalooyinka dunida. Taariikhyahanadu waxay sheegaan in magaca Muqdisho uu ka yimid amaba loogu magac darray Maqcaddu shaah oo macnaheedu yahay goobta uu fariisto Boqorka cajabiga ah ee aan Carabka ahayn.

Markii uu caan noqday Makaanu fadhiga loogu magic darray Caasimada taariikh aan la ogeyn ayey qubaro Carab ahi soo gaabgaabiyeen labada eray ee is garab yaal ee Maqcad iyo Shaah oo ay ka soo dhigeen Muqdisho.

Erayga Maqcad ayaa waxaa laga jaray xarafka caynka, markaas ayaa la isi saaray kalimadaha Maqad iyo Shaah, markaas ayuu Eraygii ku noqday Maqad-shaah, iyadoo haddana xarafka Alif ee ku jira Shaah marka uu Carabi ahaan u qoran yahay loo beddelay Waaw ama ?W?, markaasoo uu magacii noqday Muqdishoh, intaas kaddib dadka qaar kuwana sidaan ayey u adeegsan jireen, kuwa kalana xarafka ?H? ayey tuureen oo ay yiraahdeen ?Muqdisho? oo ah sida loo badan yahay haddana inta badan loo isticmaalo. Taariikhdaas fog waxay dadka qaar qabeen in magaca Muqdishoh uu asal ahaan ka yimid goobtii Xoolaha lagu kala gadanaayey, waxayna dadkii wax qori jira ee xilligaas inta badan adeegsan jireen ku dhawaaqitaanka ah (Muqdishoh). Dhammadkii Qarnigii 15-aad mar Bortaqiisku ay qabsadeen Xeebaha Bariga Afrika ayey iyaguna ugu yeereen magaca magaaladaan (Mogadixo) oo dhawaaq ahaan ay Carabiga is shabahaan maadaama xarafka (X) afafka Bortaqiiska iyo Spanish-ka uu ku yahay xagga dhawaqa (Sh).

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s