AQAL SOOMALI/GURI SOOMALI/HOY SOOMALI. DIYAARIYE AUTHOR SAED ISMAIL H.AWED

waa hoygeenii ugu horeeyey ee aan dhisano ,waa hoyga ugu qaalisan waxa aynu maanta haysano ama ku faano dhaqan ahaan, waayo umad walba oo aduunyada jirta waxaa ay leedahay ,wax ay ku faanto tusaale ahaan fooqyada dhaadheer ee aan maanta ku faano maaha in aynu ku faano ,sababtoo ah waxa dhaqan u lahaa umadaha reer yurub oo ay dhaqan u tahay iyaga ayaana ugu horayn dhistay ,adigu kan ayaad dhaxal u leedahay.
Sababta loo yidhi aqal soomali waxa uu u gaar yahay oo keliyaysatay soomalida ma jirto cidkale oo la wadaagta marka loo eego ,agabka uu kasamaysan yahay oo kala ah .
1.Raro: waxa ay raradu iskugu jirtaa kebdo ,cawsas iyo dermooyin.
2.Dhigo/udbo/gar.
waa sadex shay oo isku tegay oo kala ah:
Dhigo waa qoryo lasoo laabay oo sida bisha loo sameeyey isla markaana laga soo jaro dhir gaar ah oo ay ka mid tahay dhosoq, galool,iyo siisay.
Udbo : waa qoryo xoogan oo kor u haya aqalka hareeraha iyo dhexda ka haya .ka dhexda waxa loo yaqaan ”udub dhexaad”
Gar : waa xadhko leh midabo qurxoon oo lagu iskugu xidho udbaha ,dhigaha .
3. Saamo/Sar.
waa qaybta ka celisa roobka ama cadceeda ee korka sare laga saaro aqal soomaliga iyada oo laga hugo xoolaha gaar ahaan lo’ada isla markaana la aslo oo la qalajiyo si uu si fudud ugu kala baahi karo una qarin karo korka sare ee aqalka.

waxa dhisi jirey islaamo xirfadan leh oo aqoon u leh , halka odaayasha doorka uga banaan ay ku lahaayeen uu ahaa in ay ugu horayn soo jaraan udbaha ,dhigaha .

Rarada waxaa sameeya islaaha iyaga oo soo diirta maydhaxda ay ka samaynayaan kebdaha oo galoolka laga keenayo ,halka cawskana ay ka keenayaan geed cawseedka loo yaqaan gargoorka iyada oo lagu soohayo maydhaxda isla galoolka.

Qoraa Saed Ismail H.Awed

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s