FADLIGA BISHA RAMADAAN OO KOOBAN.BY Qoraa Saed Ismail H.Awed.

Xikmada ALLAH Subxanah watacaalaa waxaa kamida ah inuu kala fadilay
khalqigiisa sida wakhtiyada, goobaha, iyo bilaha.  Hadaba waxaan isu
dayayaa inaan qodobeeyo fadliga bishan:

1.      Allah subxanah waxa uu  ka fadilay bilaha sanadka oo dhan bisha
ramadaan bishan oo leh fadliyo farabadan ALLAH subxanah waxa uu kaga
waramay suratu Albaqrah fadliga bishan

Surah Baqrah ((شهر رمضان الذي أنزل فيه القرآن هدىً للناس وبينات من
الهدى والفرقان))

Bisha ramadaan taasoo ALLAH uu soo dejiyey dhexdeeda quraanka kariimka
ah isagoo u ah dadka hanuun iyo cadaymo iyo kala saaris xaqa iyo
badilka.

Allah waxa uu soo dejiyey kutubtii nebi Ibrahim, nebi muse, nebi ciise
iyo nebi Muxumed intaba Calyhuma salaame bisha ramadaan dhexdeeda.

2.      Waxaa  ku jira danbi dhaaf habeen walba ah,
rasuulkeni suubanaa Calayhi salaatu wa salaame waxaa laga weriyey
qofka ramadaanta sooma iimaan isagoo leh allah waxa uu ka dhaafaa
danbiyada uu horey qofku ugalay,

3.       xorayn Allah naarta ka xoreeyo dadka habeen kasta,

4.        waa bisha tawbada

5.       qofka sooman inuu helo saacad ALLAH uu ka ajiibo Ducada oo ah
wakhtiga uu afurayo,

6.       salaado sunayaal ah oo ALLAH uu gaar uga dhigay bishan sida tahajudka iyo
taraawiixda.

7.      Habeenka laylatul qadriga ayaa kamida fadliga bishan habeenkan oo u
dhigma 83 sano

8.      Bishan waxaa la  furaa Albaabada janada waxa sidoo kalena la xidhaa
Albaabada naarta

9.      Waa bisha lagu dedaalo waxbixinta iyo sadaqada waayo rasuulkeeni
suubanaa Muxamed Calayhi salaatu wa salaame waa bisha uu aadka ugu
dedaali jiray inuu wax labaxo isagoo markiisa horeba deeqsi ahaa.

10.     Waxaa la xidhaa oo la silsiladeeyaa Shayaadiinta iyo jinka kiisa madax adag

11.     Waana bisha sabirka oo sabirku aad ugama dhex muuqdo cibaadooyinka
kale sida uu uga muuqdo soonka waayo addoonku waxa uu naftiisa ka
xidhaa dhamaan waxyaabaha uu jeclaa una baahan yahay sida cuntada iyo
sharaabka.

Rasuulku calayhi salaatu wasalaame waxaa laga weriyey inuu yidhi
saddex Allah suaashooda ma celiyo qofka sooman ilaa uu ka afurayo,
imaamka caadilka ah sida madxweyne caadiloo kale, iyo qofka ladulmiyey
habaarkiisa (waxaa weriyey Axmed)

ALLAH cimriga umada nebi muxumed waxa uu ka dhigay 60 sano balse waxa
kale oo uu inoogu kabay habeenka laylatul qadriga oo u dhigma 83 sano
cidii la kulanta habeenkaas shaqaystana khayr farabadan waxa uu
shaqaystay khayr uu shaqaysan lahaa 83 sano oo dambe haddii uu
noolaado diinta ALLAHna uu ku toosnaado MashaALLAH.

Ugu dambayntii waxaan Naftayda iyo nafihiinaba ku waanin lahaa inaynu
kawada faidaysano fursadan qaaliga ah ee ALLAH ina soo gaadhsiiyey
badanaan in ramadaantii hore kula soontay hadda aysan fursad u helin
inay kula soomaan ama uu mawdku ka soo gaadhay, bilaahi calaykum nafta
maynaan la balamin sidaa awgeed aynu hadda dedaalka siyaadino gaar
ahaana 10ka bisha dambe balse yeynaan ukala hadhin Rasuulku calayhi
salaatu wasalaame wuxu yidhi ha hoogo, asaxaabta ayaa tidhi ayo
raasulkii ilaahayow qofka ramadaan soo gaadha balse aan loo dambi
dhaafin.

Yaa subxanallah waxaan kaa rajaynaynaa inaad dembigayaga kuwii hore
iyo kuwa dambeba dhaafto janooyinkaaga wacana aad noogu abaal guddo
aamiin aamiin….

Advertisements

One thought on “FADLIGA BISHA RAMADAAN OO KOOBAN.BY Qoraa Saed Ismail H.Awed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s