MAAH-MAAHYO CUSUB BY ABWAAN CALI SEENYO.

Maahmaaho Cusub: Abwaan Cali Axmed Raabi(Cali Seenyo) oo furay albaab cusub ka dib , markuu alifay maahmaahyo cusub ,iyadoo aan looga horayn hawshan iyada ah. Qofkii dood ka qaba ama dhiirigelin raba inuu soo jeediyo ha la soo xidhiidho xubnaha bahda Farshaxan.. Waana kuwan maahmaahihii ee la soco

: * Qoon hoggaan xun iyo qoys hooyo xun midna ma hana qaado:- Hadii ummad madaxdu ka xumaato iyo hadii qoys hooyadu ka xumaato midna halka uu doonaayo ma ma gaadho, sababtoo ah madaxda waa hogaanka bulshada ee shacbiga iska hortaaga dhibaatada una sahamiya wanaaga, hooyaduna waa udub dhexaadka nolosha qoyska sidaa darteed hadii ay xilkeeda la turunturooto, qoyskaasi ma gaadho qayrkii.

* Inta barasho ku tarto, bahdaa kuma tarto:- Inta saaxiibadaa, dad aqoonta iyo waxbarashadu ku taraan reerkiinu kuma taro, waxaana jira waxyaabo badan oo reerkiinu kugu eego oo aan saaxiibkaa kugu eegin.

* Qaxoonti ku faane, facii ma higsado:- Qofka beni aadmiga ahi waxaa uu horumar cisi leh ku gaadhaa dalkiisa hooyo oo keliya, waa suurtogal in qof wadan shisheeye ah ku nooli oo noqdo qof aad maalqabeen u ah, balse marna wadnihiisu ma garo inta uu ka duwan yahay dadweynaha badan ee bulshada, sidaa darteed ninka dugsada nolosha qaxootinimadu,waa in u aqoonsadaa in uu weligii ahaanayo qaxooti, hadaa haduu lacag helo qiimayntiisu tahay waxaa uu lacagta ka helay dhulkaga.

* Aqal aanad lahayn, awaare hantiya baa dhaama:- Waxaa jirta in dad badan oo ka mid ah bulshada afka soomaaliga ku hadashaa in ay u qaxeen dunida gaar ahaan wadamada galbeedka,waxaanad moodaa in qaar badan oo ka mid ahi ay dugsanayaan guryo aanay lahayn oo ay ku jiraan, balse marka xaqiiqadu timaado waxaa ka hurdo fiican ninka daarad yar oo uu leeyahay dareen la’aan ku seexanaya dhulkiisii.

* Dulmi xigaal iyo dagaal sokeeye midna laguma degdego:- Guud ahaan dulmigu waa wax ifiyo aakiro labadaba ku xukun, dagaal sokeeyana waa dagaal hadii aad wax layso iyo hadii lagu laayo midna aan libi kugu raacin oo, hadaad adigu wax laysana dadkiibaad laysay, hadii qolada kale ku dilaana dadkoodii bay laayeen, sidaa darteed midna laguma degdego, waxaa loo baahan yahay in waxkasta laga horeysiiyo sidii lagaga baaqan lahaa.

* Ummad caddaalad weyday iyo muslim cibaado diidey midna laguma cigto:- Hadii umadi ay cadaalad weydo, oo lagu socon waayo xeerka ama qaciiqadada hadba waxay ku heshiiyeen, taasi waxay keenaysaa in uu dhaco bubur dhinaca damiirka saameeya, kaas oo lagu talaabsado, waxkasta oo damiirku diido, dhinaca kale hadii dadka muslinka ahi ay cibaado diidaan, taasi waxay noqonaysaa in aan la fulin awaamiirtii illaahay bulshada u abuurey, taas oo iyana dhaxalsiinaysa hadba ma siibo aan xal loo helin iyo aafooyin isdaba joog ah.

* Gar xeerdiiday iyo ummad gole diiday midna guul ma dheelmo:- Hadii gartu ay diido sharciga oo xaqdarada sharci qabta la waayo, umaduna marka wax dhacaan urur laga waayo oo aan inta la isu yimaado laga doodi waayo hadba dhibaatada sidii looga hortegi lahaa, hadii wanaag lagu jira sidii loo hayn lahaa taasi waxay keenaysaa in lagu guuldaraysto dhamaan wixii himiladu ku dhisnayd.

* Talo waa gole ku nool: hadii aadmigu tashan waayo oo inta la isu yimaado aan la la fagurin hadba marka arinku meel cakiran shanshada dhigo, oo nin waliba garaadkiisa toocsado taasi waxay keenaysaa burbur iyo in aan qofna himiladiisa gaadhin, talada qofku ku noolaana ay noqoto mid la dayaco

* Talo qori saaran iyo tumaati sokeeye tagoog jabay baa laga dhaxlaa:- Hadii talada loo dhiibo qoriga iyo dagaalka ninka wada sida maanta ku badan aduunka, taasi waxay keenaysaa in rixin goys bato, oo dadku arxan waa isugu ururo, marbana la majeerto qofka dhiig yacabka ah, tumaati sokeeye waa dilka lagula kaco bulshada xigtada ah, xigtadaas oo marba heer taagan, mar la odhan karo soomaali ahaan waxaynu xigto nahay mar dadka madow, mar waxaynu xigto nahay bulshada ku nool qaarada Afrika, mar waxaynu xigto nahay dunida muslinka, mar waxaa xigto ah bulshada soomaaliyeed, mar waxaa xigto ah, beesha ama ardaaga qofku ka yimi marna waxaa xigto ah ehelka qofka. isla markaana maahda macneheedu maaha in ay fasaxayso tumaatida shisheeye.

* Nabar aan bogsan naxli sokeeyaa leh:- Hadii dagaal idin dhexmaro wadankaa durugsan, waxaa dhacda in waqti yar ka dib la iska ilaawo, markase qofku uu gaysto nabar sokeeye, waxaa weeye nabar aan weligii bogsanayn sababtoo hadii xataa lagaa samro, marwalba markaad aragto qofkii aad qoonta u gaysatay ama ilmihii aad aabihii dishay, ama wiilkii aad walaashii faraxumaysay, hooyadii aad boobtay inkasta oo arintaas laga bogsaday oo laga yaabo in aan cidi kuu qabsan, hadana markasta wadnahaagu ma garra, isla markaana waxaa ku dilaysa hadal haynta markasta oo la soo qaado dhacdooyinkii xanuunka lahaa.

* Xumaan nin ku foogan, xil looma asteeyo:- Waxaa dhacda in, in badan caalamka maanta oo ay bulshadeenu ka mid tahay in xil loo doorto nin lagu og hayey waxaa uu ka shaqeeyo in aan wax qudha oo saxi ku jirin, waxaa dhacda in mid loo taagwaayey la yiraahdo farahaa lagaga gubtaye halkaa inooga dhiiba, iyada oo la hilmaansan yahay ama aan la dhaadayn waxa loo dhiibay in ay tahay dan umadeed.

* Nin qoys ku hungoobay, qaran ma hogaansho:- Waxaa iyana aad uga dhacda bulshada soomaalida in xil la huwiyo nin gabay xaaskiisii iyo caruurtiisii ama intii kale ee qoyskiisa xilku ka saaraa, oo aan lagu hayn dhaqaalihii qoyskiisa, ixtiraamkii iyo xanaanayntii waalidkii, markaa ninkii qoyska hanan waayey sidee buu u hanan karaa bulsho dhan daneheeda.

* Dal faqriye ma jiree, dawlad faqri ah baa jirta:- Inkasta oo khayraadka illaahay dunida dhigey kala badan yahay hadana bogcadkasta oo illaahay ummad ku beerey waxaa uu u geliyey, khayraadkii ay ku noolaan lahayd oo u baahan dedaal, muruq iyo maskax laysu geeyo, markaa hadii ay hogaanka qabato dawlad ku hagta bulshada horumarka dalkeeda waxaa hubaal ah in si dhibyar loo dhamabli karo khayraadka, balse hadii uu maamulka wadanka haystaa noqdo mid jideeya oo dhiiri geliya qaybta xun ee qofka oo laaluushku bato, cadaaladu baaba’do oo sharciga la ixtiraami waayo taasi waxay noqonaysaa in aan bulshadaasi ka bixin silic iyo baayaal.

* Nin cunto kaa martiyey iyo qof cilmi kaa martiyey midna lama caydhiyo:- maahmaahdan macneheedu waxaa weeye calool baahan hadaad wax ku dhaanto looma dayriyo, qof cilmi daalib ah oo doonaya in u wax kaa korodhsadana lama eryo ee waxaa wanaagsan in aad wixii aad ku dhaanto si habsami ah ugu sheegto.

* Wixii adiga ku dhibaya, walaalkaa looma quudho:- Waxaa aad u fool xun in aad wax aad adigu dhibsanayso walaal kaa u quudho, markaa walaalku kuma koobna ka aabahaa iyo hooyadaa dhaleen, balse waxaa weeye qofkasta oo aduunka ku nool midabkuu doono ha la haadee.

* Inta hadal duulo, haad ma duulo:- Halka warku gaadho, haadka duulayaa ma gaadho, sababtoo ah haadku waa wax nool oo daala isla markaana ay dhibaato ku tahay cimilada ku xeerani, balse hadalku waa wax aan daalin isla markaana aadmigu isugu gudbiyo siyaabo badan.

* Rag waa afkii maal, aduunkii maal, adoogii maal : Nin waxaa uu ku nool yahay afkiisa, oo afsoomaaligaba raga noocaas ah waxaa la yiraahdaa afmaalo, waa nin hal abuur ah, xeerdhaadhi ah, suugaan ruug ah ama hadal yaqaan ah, Ninka waxaa la yiraahdaa aduunkii maal oo nin isagu ku nool xoogiisa ama xoolihiisa, waxaa jira nin kale oo la yiraahdo adoogii maal oo waxaa uu ku nool yahay dhaxalkii aabihii, dhaxalkaas oo noqon kara aduun iyo magac dirkaba, waxaa jira rag badan oo wax lagu siiyo waa ina hebel oo waxaa dhalay nin magac ku lahaa bulshada uu la nool yahay, marka laga hadlaayo dhinaca jacaylka waxaa soo raaca nin la yiraahdo aragii maal oo ah nin shalaqsan oo qurux badan oo laga yaabo in gabdhuhu isku dilaan iyada oo aan la eegin aqoontiisa iyo shaqsiyadiisa midna.

* Aduun aan laga faqriyin, aqoon baa jirta:- Qof aadmiga ah wax kasta oo uu hanti dhaqo, maaha wax la hubo in uu haysanayo inta noloshiisa ka hadhay, balse aqoonta qofku barto waa mid la hubo in ay ka soo doogayso dhibaatooyinka nolosha soo wajaha.

* Ubad waa beer oo ninba si bay ugu baxdaa:- Ubadku waa sida beeraha, beerahana laba isku xiga ayaa midba midhaha ka baxaa ay noog gaar ah yihiin, iyada oo ay qayb wayn ka qaataan hadba sida looga shaqeeyo, ubadkuna sidaa beeraha ayaa laba qoys oo isku xiga midba ay si noqdaan, waxaana inta badan ku xidhan tahay sida waalidku u barbaariyo.

* Dan gaar, mid guud looma dulleeyo: Wax umada oo dhan u dan ah looma duleeyo wax qof keliya dan u ah, sababtoo dhan taasi waxay keenaysaa in qofkasta oo bulshada ka mid ahi uu waayo wixii uu xaqa u lahaa.

* Nin shalay ilaaway, beri ma odoroso:- Hadii umadu ay illowdo wixii ay soo martay dhibaato iyo dheefba wixii keenayayna lagu darsan waayo talada, taasi waxay keenaysaa in aan la saadaalin karin berito waxa dhici kara, taas oo dhaxalsiinaysa in markasta ay dhibaato bulshada shalay soo martay aan laga tashan karin oo ay mar walba dib ugu habsato.

* Ifka waxaad taransataad aakhiro ugu tagtaa:- Aduunku waa goob shaqo oo qofkastaa wixii uu shaqaystay ayuu aakhiro marka uu dhinto hor Illaahay ugu tagaa.

* Hadii dulmi gurigaaga yaal, dudada samo lagama raadsho:- Maahmaahdan macneheedu waxaa weeye hadii aad adigu dulmi samayso ama qaarka mid ah bulshadaada dulmido oo aad gurigaaga ugu awood sheegato, waxay adna dhibaatadu kugu dhacaysaa markaad ka baxdo dayrka aad ku amar ku taaglayso.

* Hed lama baajiyo ee hawl baa la korodhsadaa Waxay maahmaahdani ka hadlaysaa in kasta oo dhaqtar loogeeyo ama quraan la saaro ama faaliye iyo fareeye loo geeyo in aan hedla baajinayn,balse aadmigu ay kharash korodhsadaaan.

* Nin dhukuran bidaartiisa lama dheehdo: Waxaa beryahan dambe beesha caalamka ku badan in raga bidaarta lihi ay hadda xil qarsiinyo ka dhigtaan in ay timihiisa dhukuraan, dabadeedna waxaa hadha magacii la odhan jirey bidaaar waxaana laga yaabaa in markaas loogu yeedhaa aden dhukur.

* Dhib nin yaqaan, Colaad ma dhidhiyo: Ninka yaqaana dagaalka iyo waxyaabaha uu keeno ama waayo badan soo taagnaa goobaha nafwaagu kuma dedego hurinta collaadaha, sababtoo ah waxaa uu axadhaa dhibtaada collodhkeeda.

* Tacab baa lagu hodmaa, Tuugsi laguma dhergo: Qofka aadamka ahi waxaa uu cisi iyo sharaf ku leeyahay marka uu maskaxdiisa iyo muruqiisa maalo, balse qof gacan kale sugayaa marna ma gaadho nolol uu haakah yidhaahdo, waxaynu hadaba tuugsiga u kala qaadi karaa laba arimood oo kala ah, tuugsiga aynu dawarsiga u naqaano ee ay ku kacaan qaar badan oo ka mid ah bulshada caalamku waxaa kale oo isna tuugsiga la mid ah lacagaha kaalmada ah ee wadamada galbeedku bixiyaan, taas oo aadmoodo in bulshada soomaalida ee soo barakacday intooda badani ku nooshahay.

* Nin aan gaadhi fuuli jirin, geedka dhaafayuu ku wareeraa: Qofku marka uu gaadhiga ugu horeeya raaco, waxaa dhacda in uu indhaha iyo fekerkaba isugu geeyo dhirta gaadhigu dhaafayo ku waas oo aad moodo in ay yaacayaan, markaa waxaa qofkaasi ku dhaca wareer dhinaca maskaxda ah, waxaanu noqdaa sidii qof dhulku la wareegay oo kale.

* Dal aanad afkiisa aqoon duxdiisa ma heshid: Hadii qofku uu ku nool yahay wadan shisheeye ah oo aanu baran afkiisa ama luqadiisa, waxaa dhacaysa in aanu marnaba qofkaasi helin ubucda khayraadka wadankaas, isla markaana qofkaasi kama gaashaaman karo dhibaatada umadaas, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in bulshada ku nool wadamada galbeedku ay bartaan luqadaha laga hadlo dhulalka ay joogaan taas oo markaas keenayso in qofkaasi fahmo qaab nololeedka cusub ee ay leeyihiin dadkaasi uu la dersay, taas oo dhaxalsiinaysa in uu waxyaabaha ay ku fiican yihiina kaga daydo, waxyaabaha ay ku xun yihiin kaga badbaado. * Daar burburtay waa la dhisaa, damiir burburey baa adag: Bulshada caalamku waxay soo martay dagaalo iyo colaado baahay oo saameeyey bulshooyinka dunida intooda badan, waxaana iska cad in intii ku dhimatay laga bogsaday, wixii ku lumayna laga kabtay, laakiin hada waxaa muuqda in aduunka dagaal lagula jiro damiirka aadmiga oo wixii xumaa ay bulshada caalamku ka dhiganayso ama u aragto horumar, waxaana muuqata in xadhkii aduunka oo ahaa caqiiqdadu ay hada yihiin wax laga faano, waxaana dagaal lagula jiraa akhlaaqiyaadkii aduunka, qofka lagu tuhmana waxaa loo haysto qof ka dambeeya bulshada maanta oo aan la talaabsan karin nolosha casriga ah.

* Ninkuu dhimanaayey dhiigaaga ma xalaashado: Maahmaahdani waxay in badan khusaysaa bulshooyinka caalamka ee marka bulshada cadaadis ku dhaco sida bulshada soomaaliyeed ay ka dhacaan kacdoonada milaterigu, taas oo ay hogaamiyaan saraakiil in badan bulshadu madaxa ku siday oo magacooda la majeeranayey, hase yeeshee markii la rido maamulada halkaas ka jira waxay markiiba qaybiyaan bulshadii ay shalay ugu balanqaadeen in ay aawadood qoriga u qaadeen diyaarna ugu yihiin in ay u dhimanayaan, markaa waxaad is waydiinaysaa qofka aadamiga ah waxaa ugu qaalisan wax uu hure naftiisa, markaa dadkii uu ogolaa in uu naftiisa u huro suurtogal ma tahay in uu rasaasta la dhaco dadkaas ama laayo, sidaa darteed waxay maahmaahdani sheegaysaa in aanay ninkaas markii hore dhabka ahayn arintu balse ay ahayd nin wax kale u dagamsanaayeen oo aanu dhab ka ahayn una kicin ama ka damqan dhibaatada bulshada.

Advertisements

One thought on “MAAH-MAAHYO CUSUB BY ABWAAN CALI SEENYO.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s