DHAQAN SOOMALIGII MARTIDA IYO MAGANTA .W/Q :QORAA SAED ISMAIL H.AWED.

Guud ahaan Soomaalida waxaa lagu til¬maamaa dad is marti galiya dadka kale¬na marti galiya oo aanay socotadu ku dhex gaajoonin, in martida laga seex¬do ama la qadiyana dhaqanka wax aad u fool xun ayay ku tahay. Sida dhaqan Soomaaligu yahay, dadka martida ah iyo kuwa loo martida yahay,, hab-maamuus u dhexeeya ayaa jira, kaas oo muujinaya xaqa martida iyo waajibka kan loo soo martiyay, tusaale ahaan, haddii martidu rag culus tahay, sida culimo, madaxda qabiil, rag magac weyn leh iwm, waxaa dhaqanku yahay in loo loogo oo si heer sare ah loo sooriyeeyo, loogistu sida badan waa in Wan weyn loo qalo. Had¬dii aan loo loogin, raggaasi lama sooriyeynin, wixii kale ee la siiyayna marti galin looma qaa¬dan jirin. Haddii ay raggaasi dhalli¬nyaro ama rag iska caadi ah yihiin, ama ay socoto aan la garanayn yihiin, markaas si caadi ah ayaa loo sooriyayn jiray oo waxba looma loogi jirin.

Sida dhaqanku yahay, martida marka cuntada loo keeno, waa in aysan dham¬maysanin oo aanay weelka marinin ee ay wax ku reebaaan ama ku hambeeyaan, haddii aysan waxba hambaynin oo ay weelka mariyaan, markaas waa meel ka dhac dhaqameed waana la isku caayaa. Waxaa jirta sheeko Soomaali oranaysa ” Reer ayaa nin marti ahi ku soo hoyday, Ha¬ruub caano ah ayuu ninkii reerka lahaa u keenay, ninkii martida ahaa malaha nin sadaadaysan ayuu ahaa oo aad u baahan, waxaa dhici karta in aanuhu yaraayeen oo aysan nin weyn ku fillayn, in uu dhaqan xumaana waa wax dhici kara, si kastaba ka noqotee, ninkii martida ahaa caanihii ayuu dhammaystay oo waxba ma hambaynin, ninkii loo soo martiyay bud ama qaar ayuu ninkii martida ahaa la dhacay, nabarro daqarro ahna waa u gaarsiiyay, markaasaa la yiri war ninka ma hambaad ugu dudday ? wuxuu yiri hambo uma dudin ee hab baan u duday “.

Waxaa kale oo jirta, maahmaah Soom¬aali ah oo oranaysa ” haddaad marti tahay meela eeg eeggu ma fiicna “, waxaa loola jeedaa, cidda aad martida u tahay xooleheeda, gabdheheeda, alaa¬booyinkeeda guriga u dhex yaal iwm isha ha la raacin oo daymada ha ku badin, maxaa yeelay, sideedaba eegmada waxyaabaha aan soo sheegay, dhaqanka Soomaalida waa ku ceeb, martiduna ku¬maba sii jirto, labada tusaale ee aan soo qaadanayba, si waafiya ayaa looga dheehan karaa hab-maamuuska martida ee dhaqan Soomaaliga.

DHAQAN SOMALIGA MAGANTA.

Sida dhaqanka Soomaalidu yahay, magan¬tu waxay meela badan la xeer iyo xaq ta¬hay mar tida, intii aan martida ku soo sheegnay oo dhan waa la wadaag¬taa, waxayse magantu martida kaga duw¬an tahay, in nabad galyadeedu cidda ay maganta u tahay dusha ka saaran tahay. Sida dhaqanka Soomaalidu qabo, qof¬kii cid soo magan gala, ama reerkii qabiil kale u soo magan gala, waxaa waajib ah in la magan galiyo oo ciddii uu ka soo cararay laga magan galiyo.

Haddii reer ama cid maganteeda laga qaado oo la waxyeelleeyo, waxay ahaan jirtay ceeb aad u weyn oo laga dhinto, nin ama qabiil ma gantiisa bariin waa¬yayna magac iyo haybad ma lahaan jirin lamana tix galin jirin, sidaas awgeed, ayaa marar badan waxaa dhici jirtay in laba reer isugu go’aan magan iska qaaday.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s