GARTA IYO XEER BEEGTIDA SOOMALIDA W/Q Qoraa Saed Ismail H.Awed.

Mawduucan la magac baxay Garta Xeer-beegti iyo xeerarka Soomaalida waxa uu ku saabsan yahay garnaqsigii dhinaca dhaqanka ee Soomaalida iyo xeerarkii lagu dabakhi jiray marka ay yimaadaan dhibaatooyin iyo isqabsiyo u baahda in xal loo helo iyo in la kala saaro dadka ay arrimuhu dhexmareen. Sidaa darteed waxa taas oo kale la yidhaahdaa Garnaqsi waxaana loo saaraa guddi-dhaqameed loo yaqaan xeer beegti, sidoo kale xeerarka ay garahooda ku dabakhaan oo ah xeerarka u yaal beelaha ama qabaa’ilka ayay u cuskadaan gar-qaadkooda.

Sida la ogyahay ummad kasta khilaafaadka iyo iska horimaadyada dhexmara iyo xataa qaabka wada noolaanshahooda waxay u leeyihiin qaabab iyo xeerar ay u maraan, taas oo ay wixii dhibaato ahna ku xalilaan, wixii wada noolaansho ahna ku dabakhaan.

Dhibaatooyinka dhaca waxa jirta cid gaysata iyo cid xalisha, sidaa darteed guud ahaan Soomaalidu waxay hore u lahayd oo lagu yiqiin xeerar ay ku kala baxdo marka dhibaatooyin dhexmaraan, ama ay wax ku qaybsato marka dano dhexmaraan, hase yeeshee marka hoos loo sii daadego waxa laga yaabaa inay deegaamada iyo qabaa’ilku kala leeyihiin xeerar iyo qaab-dhaqameed kala duduwan, kuwaas oo laga yaabo inay guud ahaan iyo gaar ahaan qaarba si isku soo galaan.

Marka laga hadlayo gar xeer-beegti ereyada la isticmaalo waxa ka mid ah gar-muslax, gar-cadaawe, jid, xeer, dacwe, igmasho, gudoon, samatalis, hadimo talis, maah maah, murti, jillaad, booli, didiif (dedafayn), jid-bixin, jid-bixiye, iyo ereyo kale oo badan oo aad ka dhex heli doonto sheekadadan, laakiin mawduucan oo ah mid aad xiiso badan oo xambaarsan macluumaad badan, isla markaana wax badan kaaga iftiiminaya xeerarkii iyo dhaqamadii nololeed ee mujtamaca soomaalida, iyadoo ay dadka reer Somaliland yihiin dad hodan ku ah hiddo samida dhaqanka iyo waliba balaaqada murtida suugaaneed, sidaa awgeed waxaanu u rajaynaynaa akhristayaashayada inay ka bogtaan mawduucan xiisaha badan oo aan hore noociisa oo kale loogu arag ama haddii lagu arkayna uu ku yaraa bogaga wargeysyada dalka ka soo baxa.

Odayaasha iyo xeerbeegtida maanta nool ee garaha qaada ama doonaya inay qaadaan waxaan jeclaan lahaa inay ka faa’iidasytaan mawduucan.

Somalidu waxay dhaqan iyo hiddo u lahayd garsoor wanaagsan, gobanimo, is-jidmarin, is-xaalmarin, isudulqaadasho, is-dhaahin iyo mucaamil nololeed oo wanaagsan, kuwaas oo la odhan karo waxa uu 100% ka wanaagsaana shuruucda iyo qawaaniinta ay dunida casriga sheegataa maanta ku dhaqanto, iyadoo aanad maanta arkayn cid isu garaabaysa iyo cid is-garmarinaysa iyo cid garanaysa gartii xeerbeegti ee lagu kala bixi jiray, sidoo kale ma jirto guurtidii xeerbeegti ee dadka ku kala hagoogan jirtay marka ay xaajo murugto ee ay arimuhu dhab-qaan.

Gartu way noocyo badan tahay, berigii horena qofku waa yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, laakiin noocyada loo garqaado waxa ka mid ahaa ama loo garnaqsado waxa ka mid ahaa:Garaw, Dhaahin, Xaal, Muslax, Gar-cadaawe, gar-shareeco, gar-xeerbeegti, Gar-booli, Gar-jilaad iyo qaar kale, waxaana dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-cadaaladeed iyo gar-eexo, laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qayb ka ahayd hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadku lahaa.

Guddiga xeerbeegti ee garta qaadaysaa waxay ahaayeen kuwo yaqaan waxa ay wax ka garnaqayaan iyo waxa ay wax ku dhamaanayaan, hadii ay muslax tahay, hadii ay kala dareerin tahay, hadii ay gar cadaawe tahay iyo hadii ay gar kale tahayba, waxaase jiray wax la odhan jiray Samatalis iyo hadimo talis, kuwaas oo ahaa laba calaamo oo lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha gala, kuwaas oo u qaybsami jiray nin daacad ah oo la odhan jiray waa Samatalis iyo nin aan daacad ahayn oo la odhan jiray Hadimotalis.

Garta hadii la feeniyo ama la Axalo-cunsiiyo cidda garnaqaysaa wax ambiil (Racfaan) ah lagama qaadan karo, taasina waxa weeye garta adag ee loo yaqaan gar-cadaawe.

Somalida badideedu maadaama ay suugaanta hodan ku ahayd, isla markaana ay suugaantu ahayd waxay suugaanta u isticmaali jirtay garaha, sidaa darteed bal aynu waxoogaa ka taataabano suugaanta garaha loo isticmaali jiray iyo noocyada garaha ah ee lagu dhaqmi jiray, jidka ka horeeya garta, cadaymaha lagu kala gar helo, sida loo kala gar helo, xeerarka Somalida iyo kuwa xeer-ciqaabeedka ah, cidda xeerka jebisa sida laga yeelayo…

Q: 2aad

Ninka inuu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka waa ku ceeb, sidoo kale hadii laga gar helo waa inuu garawshiinyo bixiyaa, waayo hadii uu garawshiinyo bixin waayo waxay taasi noqonaysaa gun-nimo, laakiin cidda garta naqaysa xataa hadii ay si cadaalad ah garta u qaado cidda garta laga helay ma gafto waa layga eexday, waxba layma waydiin IWM, sidaa darteed cidda garta naqda waxay mar walba dhaxlaan godob.

Laakiin cidkastaa haka cabatee cidda gartaqaadaysa waxa mar walba looga baahan yahay cadaalad iyo inay garta aad uga baaraan-degaan, iskana hubiyaan wixii ay cadaalad xumo uga iman karto. Sidoo kale dadka ama dhinacyada garnaqsanaysa waxa mar walba looga baahan yahay inay gartooda banaanka ku soo akhristaan oo ay qolo waliba dhinaceeda si fiican u ogaato cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo waxa dheeraadka ah ee sitaan, waayo waxa fiican inta aad banaanka joogto ee aaddan golaha iman inaad gartaada soo akhrisato, maxaad gar u leedahay, maxaadanse gar u lahayn, markaa “waa sidii Jemeshii Wacays kaliile’, marka aad arin gelayso waa inaad talo ku dartaa oo hadii aad is leedahay waxaa waad ku ceeboobaysaa aanad gelin, isla markaana marka aad aragto in lagaa gar helayo ama aad gar darran tahay aad garawdo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “nin aan garaw baranini gar ma barran”. Ta kale waxa iyana loo baahan yahay inaad malayso cidda aad wada hadlaysaan ee kaa soo horjeeda inay kaa af-roon tahay (Af-tahamo badan tahay) iyo in hadalkiisa lagaa xigo oo aanu kufkaaga ahayn, waayo Somalidu waxay tidhaahdaa “gadh-ba gadh baa la tusaa”.

Ta kale waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale marka seedigaa kaa soo horjeeddo ama arini idin dhexmarto, soddoggaa oo kale iyo qof kasta oo xil kugu leh ama aaddan afka ku kala waaxi karin. Sidaa darteedna lagaaga toosan yahay ama wax odhaahiisu afka cid kale ku wanaagsan yahay. Somalidu waxay tidhaahdaa “Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado”. Laakiin dhaqan xumooyinka soo kordhay waxa ka mid ah in labada reer ama labada qof ee arini dhexmarto halkii si wanaagsan loogu gar-qaadi lahaa in gartooda la mashruuceeyo oo ay waqti dheer qaadato ama cidiba kala saari waydo oo ay isku sii murgaan oo timaha la isugu sooho ama marka ay arkaan in la isku dilayo ay iyagu iskood isaga kala dareeraan.

Xiliyadii hore garta laba qof ama laba qolo loo qaadayaa kama ay badan jirin inay maalin ama habeen iyo maalin socoto xataa marka ay guddidu raagto oo ay debedda u baxdo, waayo waxa la odhan jiray “Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan meesha ku jirin ayey soo gelinaysaa”, isla markaana hadimada iyo waxa xun lama talin jirin, iyadoo xataa hadii aanu qofka aakhiradiisaba u tudhan ay marka horeba hadimo-taliska iyo eexdu godob aan hadhin leedahay, sidaa darteed hadii aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda “Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa”. Ta kale ninka hadimada iyo wax xun taliska ah waxa uu cawaaqibkiisu ka muuqan jiray naftiisa, maalkiisa iyo ubadkiisa, isla markaana cawaaqib-xumadaasi kama hadhin jirin sagaal awaw ama abadkiis, iyadoo dhinaca kalena uu dadka dhexdiisa ka noqonayo nin ceebo ioy naanayso leh oo canbaaraysan, bal eeg maahmaahan “Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay”, waayo markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob, laakiin ninka markhaati been ah furaa kalsoonidiisa iyo xeer-beegtinimadiisa, waayo mar hadii lagu yidhaahdo “Ninkaasi xaajo qaad ma aha”, War-gal ma aha”, “Hebel uga qaateen ma aha’ IMW waxa uu noqonayaa nin gabadhii guur-beeshay. Sidoo kale ninka ay maalin ka xumaato waxa raaci jiray jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo “Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago”, waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama raganimo ayaad kaga tagtaa. Masallan ninka suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey waxa la odhan jiray “farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug”.

Laakiin marka laga yimaado ninka hadimo-taliska ah waxa isna jiray nin samatalis ah…

  • Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen caaqilnimo, ka dibna waxay isu tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii, iyadoo ay goortu ahayd goor barqo ah, markii uu halkaa geeyeyna wuxuu ku yidhi “Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya”, ka dibna hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aanu ka kicin, halkaas oo uu bacadkiisii fadhiyey, isaga oo ku dhididay, kuna harraaday, ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey , dabadeedna galabtii ayaa odaygii Guurtida ahaa u yimi , ka dibna wuxuu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, ka dibna odaygii Guurtida ahaa ayey ku yidhaahdeen na kala saar, dabadeedna odaygii ayaa yidhi “Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isu garnaqaye, waayo ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo”, sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.Waxa kale oo la sheegay inay laba nin oo uu mid markaa ahaa suldaan ay isku qabteen saldannada reerka, ka dibna sida igu maqaalo ah waxay isula tageen Ina-Cabdulla Xasan, dabadeedna Ina-Cabdilla Xasan ayaa ugu horayn labadii nin maalin casuumay, ka dibna labadii nin ayaa mid sii kaxaystay 100 nin oo isugu jira reerkiisa iyo reerihii kale ee la yaalayba, halka uu kii kalena keligii casuumaddii tegay, dabadeedna Seyidkii baa ninkii keligii yimi ku yidhi “Dhaharow maxaynu ka wada hadlaynaa waxa kaa madaxsan ninka dadkiiba dareersadaye”, sidaas ayeyna labadaa nin gartoodu ku dhamaatay.

    Sidoo kale dhacday inay laba nin oo sida la sheegay Ciise ahaa ayaa mid ka mid ahi maroodi dilay oo dhaawac u geystay , ka dibna nin kale oo Ciise ah ayaa dhiigii maroodiga ka daatay raadkiisa raacay, dabadeedna wuxuu u tegay maroodigii oo aan waxba la noolayn, ka dibna wuu dhaawac-tiray oo sidaa ayuu maroodigii ku qudh baxay , laakiin labadii nin ee midna maroodiga dhaawacay, midna dhaawac-tiray ayaa dacweeyey oo xeer Ciise isla galay iyaga oo sida la sheegay geedkii 1aad ilaa geedkii 12aad isla maray, dabadeedna oday ka mid ahaa raggii geedka fadhiyey ayaa arintii loo sheegay, odaygii baa yidhi, “Sow tii la yidhi Maroodiga durdur mooyee dar ma deeqo, oo duur mooyee dureemo ma qariso, oo nin makala (qudh-jara) mooyee nin mudaa ma dilo”. Ka dibna gartii sidaa ayey ku dhamaaatay, laakiin sida aan sheeko ku maqlay odaygii markii uu gartii sidaa ku dhameeyey ayey naftii ka baxday oo sidaa ku dhintay, waxaana la yidhi waxa halkaa ku baxay halkudheg la magac baxay “Nin malaggii galay iyo mamaasan (Qabiil) u gal”.

    Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama nin isku qaybsadaan wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda ay meel cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna horqaaday, lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane aanay cid kale ka kaxayn karin. Sidoo kale waxa dhacda xiliga dagaalada in nin colka labada dhinac ee dagaalamaya ka mid ahi uu dilo nin cadawga ka soo horjeeda ah, laakiin uu nin kale oo warranle ahi uu furkii ninka la dilay gacanta ku dhigo, iyadoo uu furkaasi noqon karo Faras ama qori, ka dibna ay furka ninkii ninka dilay iyo ninkii furka gacanta ku hordhigay isku qaybsadaan. Labadaas nin-na nin wuxuu taagan yahay “Anigaa ninka dilay oo furka ka ritay ama furkiisa dhacsaday maadaama aan dilay, nin-na wuxuu leeyahay anigaa naftayda biimeeyey oo cadawga ka soo qaatay furkan.”

    Sidoo kale waxa kale oo iyana dhacda in geel la soo dhacay uu nin habeenka hore xeraysto, ka dibna uu ninkii la soo dhacay ka sheegto, laakiin waa tii la yidhi Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye “Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay ama uu xeradiisa soo horgalay”, ninkaasna waxa kiciya ama gar xoolahaa kaga qaadi kara ninkii yedlaha ahaa ee xoolahaa lahaa, laakiin meelaha qaarkood waxa xeer u ah in ninka wax dilay ee furka la isku haysto ninkii lahaa dilay la siiyo qaalin la yidhaahdo Shakama-qabad. Ta kale marka laga hadlayo xeerarka dagaalka gaadaha (Dilka dhuumashada ah) mooyaane gulufku (Dagaalka kafool-kafoolka ah) ma laha godob gaar ah, laakiin hadhow marka la heshiiyo ama la is-waraysto ninkii furkii hebel inuu hayo lagu waraysto ama lagu arko, ninkaasi isaga ayaa qaba ama loo raacayaa godobtii ninkii furka lahaa ee la dilay.

    Waxa kale oo dhacday ama dhacda inay laba nin oo dagaal wada galay isku mar qori gacanta ku dhigeen, ka dibna way isku qabsadeen, laakiin markii ay indoora kala maroojisanayeen ee ay isku xiiqeen ayaa markii dambe mid qorigiisii uu hore u sitay tuuray, dabadeedna ninkii kale inta uu sii daayey ninkii qorigiisa tuuray ayuu qaatay qorigiisii uu tuuray, isla markaana ninkii qorigiisa tuuray wuxuu qaatay qorigii booliga ahaa ee ay ninka kale isku haysteen. Laakiin maalintii dambe ayuu ninkii qorigiisii tuuray ee uu ninka kale qaatay yidhi “Qorigaygii ayuu ina hebel haystaa markaa xigaal ayeynu nahay oo dhac inagama dhexeeyo’e halayga keeno qorigayga”, dabadeedna waa laga siiyey, ninkii qoriga laga qaaday waxa la siiyey samir-siis si aanay xigaalnimadu u dhantaalmin.

    Waxa kale oo dhacday inay wada duuleen laba qolo oo fandab leh (Xurguf), ka dibna waxay soo dhaceen geel, dabadeedna geelii ay soo dhaceen ayaa habeenkii meel looga xero-dhigay, iyadoo ay qolo waliba geel gaar ah wadato, waxayna ku kala xereeyeen laba xero oo isku qabsan, laakiin geelu waa oomman yahay, dabadeedna oday xiribta yaqaan (farsamada xoola-dhaqidda) oo labadii col midkood ka mid ah ayaa yidhi ” Xeradeenna waxaad ka dhigtaan xagga xigta ceelkii uu geelu ka cabbi jiray, isla markaana oodda labada xero u dhexaysa (Qoqobka labada xero) waxaad ka dhigtaan mid gaabban”, dabadeedna sidii bay yeeleen, ka dibna habeenkii ayaa geelii qolada kale tuladii hal-doorka ahayd oo dhami xeradii kale ee xagga ceelka xigtay ee colka kale u dhacday, balse subixii ayaa geeli xerada kale u daatay nin is yidhi dib u celi, laakiin nin colkii kale ah ayaa ninkii is-yidhi geela dib u sooc xabbad ku dhuftay, sidaa ayuuna ku dhintay, dabadeedna…

  • Gar-jileed: Gar-jileedda waxa la yidhaahdaa kama taggana macne ahaan buus-buus ka horgee, waayo qofka garta loo sito ama loo sheeganayo ayuu ka horgeeyaa wax u eg waxa loo sheeganayo, waxaas oo dadka markaa jooga kaga qosliya, isaga doonaya sidii uu suurtagal uga dhigi lahaa sidii ay labadaa wax isku nooc u noqon lahaayeen. Tusaale ahaan nin baa beri waraabe dabbin u dhigay, ka dibna waraabihii oo dabbinkii ku jira ayaa nin kale soo maray ooo uu waraabihii oo dabbinkii ku jira dilay.Ninka hore ee waraabaha dabbay sababta uu u dabbay waxay ahayd inuu dilo, laakiin hadana isaga oo is leh wax baad kaga helaysaa ayuu ninkii kale ee waraabaha dilay qaanabay oo uu ku yidhi maxaad u dishay waraabihii aan dabtay, ka dibna Haa ayuu ku yidhi , dabadeedna waxa uu ku yidhi “ii keen waraabahaygii”, ka dibna waxa uu ku yidhi “waayahaye soo qabso waraabe aan kuugu saanyo (qiimihiisa lagu sargooyo)”, laakiin wuu soo waayey waraabe kale ilayn waraabe gacanta ugu jiraa ma jiro’e, sidaas ayuu dabadeedna ku garwaayey. Tusaale kale hadii aynu soo qaadano waxa la yidhi nin baa beri yidhi “Wan (Neef) aanu Berbera ku wadnay oo aanu isnidhi dawga Sheekh mariya ayey badhidiisa oo aad u waynayd noo mari wayday dawgii, dabadeedna nin kale ayaa isna yidhi “Beri baan ka shaqayn jiray hudheel, markaas ayaanu anaga oo 100 nin ah hal digsi wada xali jiray, boqolkayagaa nin oo aanu nin-na ninka kale arkayn, dabadeedna ninkii wanka ka sheekaynayey ayaa yidhi, “Taasi ma wax dhici karaa”, ka dibna ninkii digsiga ka sheekaynayey ayaa yidhi “Hadaa ma sheekada aad ka sheekaynayso ayaa suurtagal ah”, ka dibna halkaas ayey labadii nin isku liqi kariwaayeen oo ay iska kala tageen oo ay arintoodu noqotay “inaga baandhee”. Sidaa awgeed garta tusaalayaashaa aynu soo qaadanay u nooc eg ayaa la yidhaahdaa Gar-jileed ama gar-badh. Laakiin sidoo kale waxa gar-jileed loo yaqaan garta aan dawga ay leedahay la marin ee la marin-habaabiyo.

    Gar-kala dareeris: Garta la yidhaahdo garta kala dareeriska ma aha mid loo eego cadaalad, laakiin waxay ua egtahay xal ama garta muslaxa loo yaqaan ayey u egtahay, isla markaana ragga had iyo goor garta caynkaas oo kale ah wax ka tara ama wax ka qabtaa waa ragga ku sifoobay samatalisnimada.

    Garta kala dareerisku cidna way ku jiifsataa, cidna way u sed-burisaa, laakiin had iyo goor inta badan waxa loo garta caynkaas oo kale ah loo qaadaa laba qabiil inkasta oo laba qof-na loo qaadi karo, masalan cidda ama qabiilka wax geystay waxay leedahay ama lagula dhaqmaa wax la yidhaahdo Qaboojis, jilid-salaax, sacabo-wadhad IWM. Marka arinta ama garta caynkaas oo kale ah lagu jiro waxa jirta xikmad Somalidu isticmaasho, taas oo ay tidhaahdo “Marka nin indho gar-darani ooyaan, indho gar leh maxaad mooday”. Laakiin waxa jirta xikmad kale oo tidhaahda “Walaalkaa hadii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho”, taas oo macneheedu yahay ninkii aad candhuufta ku tuftay gacantaada waad ka mari kartaa.

    Cidda ama qolada wax tirsanaysa ama wax loo geystay iyadana dhinaceeda waxa loo jeedinayaa waxyaalo ay ka mid yihiin Naq, Cabatin, baanis IWM. Tusaale ahaan marka uu nin si kama’ ah u dhinto wax hidaayo ah ma laha ee waxa la kala qaataa ama la kala gurtaa magtii oo dhan oo ah boqolkii halaad, iyadoo jifidana mar la kala qaato, qubanahana ama magweyntana mar la kala qaato, hadii la doonana mar saddexaad wixii hadhaa magta ka ah la isa siiyo, laakiin kolayba meel nin ku dhintay ma hawl iyo taah yara, taas oo masalan hadii ay mar kale tiiyoo kale dhacdo ay qolada wax laga dilay odhanayso “maantana ma laynoo noqday, kii hore ayaanay deero-deero u hirdiyin”.

    Laakiin bal aynu eegno sida arinkoodu noqonayo laba qolo oo ay hidaayo hore ka dhexaysay, hadana mar kale sidaas oo kale loo dilay hebel oo aanu reerka laga dilay ku jirin nin ka qiimo badani ama hadii aynu si kale u nidhaahno ahaa nin aanay reer hebel uga dambayn, ka dibna la isu soo qalab iyo rag urursaday, iyadoo muusanow la iskula dhex-wareegayo oo la leeyahay “Boqole boqol baa lagu doonaa”, ka dibna tol kale oo labada reer ee dhiiladu ka taagantahay u simmani xaajada soo dhexgalo, iyadoo ay arintu meel-xun marayso oo ay ku dhowdahay inay faraha ka baxdo oo ay labadii col is-kulaalayaan, isla markaana ay hadimotalis iyo bagaan beloba meesha joogo oo Go’ ridayo, waxayna qolada soo dhexgashay tidhaahdaa “Belaayo hor la qabto ayey leedahay ee daba la qabto malaha”.

    Waxa kale oo la yidhaahdaa “Reerku hadii aanu lahayn laba laba lagu gudo (Deeqsiyo), laba isu guda (Talo-qabeenno), laba laga gudo (geesiyiin) waxa la yidhaahdaa reerku reer ma aha, waxaana halkaa ka muuqatay inaanay reerka waxba ka dhamaanayn, mesalan ninkii oo boqol halaad ah hadii ay raggii dhexda ahaa ay xukumaan 150 Halaad iyo gabadh godob-reeb ah, isla markaana la yidhaahdo “Waa mag-dharaareed”, mag-dharaareedna waa magtii oo hal mar la wada bixinayo oo aan sidii caadiga ahayd waxba loo soo noqonayn, laakiin marka sidaa la xukumo arintaasi xal kale malaha, gartaasina waxay ku foorartaa qoladii wax dishay…

  • GARTA XEER-BEEGTI.Maganta:Magantu marka hore waxay u qaybsantaa dhawr qaybood oo kala ah; Magan kula taal, Magan kuu timi oo kula joogta, Magan kuu timi kaana tagtay iyo Magan kugu socota.

    Hadii maganta uu kuu dhaafo nin aad xigaal tihiin ama nin aad xeer leedihiin waxa ka timaadda dhibaato badan, waana la isku dilaa, waxaana badiba dhaqanka Somalida ka reebban in maganta la laayo, laakiin maganta lafteeda way kala duwan tahay marka ay cidda kuu dhaaftaa kuu garanayso iyo marka aan laguu garanayn, iyadoo aanay marnaba wanaagsanayn in maganta la laayaa.

    Masalan ninka gabadhi dhashay, gabadhna qaba, isla markaana hablihiisa la qabo ee ilaa saddex awow iyo ka badan reeraha la yaalay iyo nin muquuno (Xoolo) kaa doonayey oo isaga oo aan weli ku soo gaadhin oo ah magan kugu soo socota la dilay way kala sahlan yihiin oo waxa la odhan karaa labada nin ee labadaa nin kala dilay midna wuu kugu qaldamay, midna wuu kugu qaldmay, markaa way kala kiis culus yihiin.

    Tusaale ahaan Oday la odhan jiray Axmed Ilkacase oo ka mid ahaa ragga fiicnaanta aad loogu majeerto oo degaamada Togdheer u dhashay ayaa berigii dambe u kudaalay jiidaha bariga Sanaag, gaar ahaan degaamada Badhan, dabadeedna waxa la siiyey gabadh reer garaad ah, ka dibna wuxuu yidhi muddo markii aan joogay ee aanu raggii is wada baranay ayaan maalintii dambe shax la ciyaaray nin gabadha uu qabo ay kala jilib yihiin, waxaanse nala jooga seediyaday ninkii u sitay, dabadeedna ninkii shaxda ila cayaarayey ayaa igu yidhi “Waar bal Inan gumeedkan xun eega”, ka dibna Shaabuug aan sitay ayaan damcay inaan shan ku dhufto, laakiin seedigay ayaa igu soo booday oo I qabtay, wuxuuna igu yidhi “Waar Axmedow nin fiican baan ku moodayaye, balse ma tihid, wax baan ku waydiinayaaye ma taqaan ninka hadii la dhirbaaxo shanta qaalmood ee xaalka ah laga qaato, hadii la dilo oo Toorray lagu dilona ay kii Toorayda ku dhuftay iyo kii dhirbaaxada xaalka ka qaadan lahaa ay Tooridii lagu dilay hilibka ku wada cunaan”, ka dibna aniga oo cadhaysan ayaan ku idhi “Maya ee ma aqaan”, ka dibna wuxuu igu yidhi “waa adiga oo kale”, dabadeedna markii uu hadalkaa igu yidhi ayaan maalintaa ilaaway wixii tolkay kaga soo kudaalay ee aan ka tirsadday, waana soo guuray.

    Ninkii gabyaaga ahaa ee la odhan jiray Xaleef ayaa gabay uu ku tiriyey wuxuu ku yidhi “Waa baylah joog inan la yaal, bilisi hooysaaye, Shisheeyuhu bukaan kuma rog-rogo, kumana baantaane”.

    Xaal : Hadii aad maqasho hebel xaal hala siiyo ama arintaa xaal baa ka waajibay waxa weeye nin laga xarago qaatay ama xumaan lagu sameeyay, laakiin waxa lagu sameeyey isna samayn kara, balse si aanu u kiil-qaadan (Aar-goosan) ayaa lagu dhaahiyaa xoolo ama la siiyaa xoolahaasna waxa la yidhaahdaa “Xaal”. Bal aynu tuducan gabayga ah “Calow maqal cantuugad badhkeed waa calool melege, Calow maqal rag kula cayn ah oo ciillan baa jira’e, Calow maqal ciyaar iiga fudud ceeb inaa falo’e”. Tixdan gabayga ahi waxay muujinaysaa inuu ninka wax lagu sameeyey isna wax samayn karo, balse uu wax xeerinayo.

    Waxyaalaha xaalka la isu siiyo waxa ka mid ah, Garowshiinyo oo ah in ninkii xumaanta loo geystay loo garaabo oo la yidhaahdo raali ahaa waanu kugu qaldanaye. Waxa kale oo ka mid ah in Faras xaal loo siiyo, sidoo kale gabdhahana xaalka waa la isu siiyaa. Hase yeeshee had iyo goor waxa xaalka laga bixiyaa marka aanay meesha qoomo jirin ee ay wuxu yihiin aflagaado, laakiin hadii ay nabarro jiraan xaal ma leh ee waa la xaqaa oo wixii ay noqoto ee aduun ah ayaa la bixiyaa.

    Waxa kale oo jirta arin laba xaalley la yidhaahdo, taas oo ay tusaale ahaan ka mid tahay masalan gabadh la qaboo oo reerkoodii la taal ayaa la kufsaday, marka ay taas oo kale dhacdo gabadha reerkoodii ay ka dhalatay iyo reerkii qabay ee ay u dhaxday labaduba waxay yeeshaan xaal, taas oo kalena waxa la yidhaahdaa laba xaallay. Hase yeeshee waxa jira arimo had iyo goor ninka ragga ah looga baahan yahay inuu ka dulqaato, masalan hadii uu qaladaad ka soo gaadho xigtidiisa ama saaxiibadiisa waa inuu inta badan iskaga dulqaato oo aanu ka kiilqaaddan, laakiin hadii uu dulqaadan kari waayo waa inuu cawdaa oo uu yidhaahdaa waxaas iyo waxaas ayuu ninkaa aanu xigaalka ama saaxiibka nahay igu sameeyey ama waxaas iyo waxaas ayaan kaga cabanayaa, iyadoo cabatinkana inta badan lagu dhameeyo dhaahin iyo raali gelin, hadiisa ay intaana ku dhamayn waydo ninkii cabanayey waa inuu Naqaa, naquna waa guhaan, laakiin sidoo kale hadii ay intaasna ku dhammaan waydo waa inuu ninka wax laga tirsanayaa yidhaahdo waan ku garmarinayaa, waana inuu ninkii wax tirsanayey garnaqsado, hadiise uu ninkii laga cabanayey garaabi waayo, waa inuu ka ergoodaa oo uu kaga eerto cidda xidhihiisa ah, waayo hadii aanu ka ergoon oo aanu kaga eerran cidda xidhihiisa ah oo aanu odhan waar gacalow ninkaa hebel halayga qabto oo aad wax samayso taa waa lagu ceeboobaa, maxaa yeelay hadii sidaa yeesho oo adiga oo aan ergoon aad wax samayso waxaad markaa lumisay milgo weyn oo aad lahayd, hadhowna laguu garaabi maayo ama waa lagu canaanayaa, waayo waxa kugu fillan miyaad nagu soo sintay, Somalidu waxay tidhaahdaa “May tidhina waa kayd rag”.

  • Garta iyo  xeerbeegtida  soomalida .
  • Mawduucan la magac baxay Garta Xeer-beegti iyo xeerarka Soomaalida waxa uu ku saabsan yahay garnaqsigii dhinaca dhaqanka ee Soomaalida iyo xeerarkii lagu dabakhi jiray marka ay yimaadaan dhibaatooyin iyo isqabsiyo u baahda in xal loo helo iyo in la kala saaro dadka ay arrimuhu dhexmareen. Sidaa darteed waxa taas oo kale la yidhaahdaa Garnaqsi waxaana loo saaraa guddi-dhaqameed loo yaqaan xeer beegti, sidoo kale xeerarka ay garahooda ku dabakhaan oo ah xeerarka u yaal beelaha ama qabaa’ilka ayay u cuskadaan gar-qaadkooda.

    Sida la ogyahay ummad kasta khilaafaadka iyo iska horimaadyada dhexmara iyo xataa qaabka wada noolaanshahooda waxay u leeyihiin qaabab iyo xeerar ay u maraan, taas oo ay wixii dhibaato ahna ku xalilaan, wixii wada noolaansho ahna ku dabakhaan.

    Dhibaatooyinka dhaca waxa jirta cid gaysata iyo cid xalisha, sidaa darteed guud ahaan Soomaalidu waxay hore u lahayd oo lagu yiqiin xeerar ay ku kala baxdo marka dhibaatooyin dhexmaraan, ama ay wax ku qaybsato marka dano dhexmaraan, hase yeeshee marka hoos loo sii daadego waxa laga yaabaa inay deegaamada iyo qabaa’ilku kala leeyihiin xeerar iyo qaab-dhaqameed kala duduwan, kuwaas oo laga yaabo inay guud ahaan iyo gaar ahaan qaarba si isku soo galaan.

    Marka laga hadlayo gar xeer-beegti ereyada la isticmaalo waxa ka mid ah gar-muslax, gar-cadaawe, jid, xeer, dacwe, igmasho, gudoon, samatalis, hadimo talis, maah maah, murti, jillaad, booli, didiif (dedafayn), jid-bixin, jid-bixiye, iyo ereyo kale oo badan oo aad ka dhex heli doonto sheekadadan, laakiin mawduucan oo ah mid aad xiiso badan oo xambaarsan macluumaad badan, isla markaana wax badan kaaga iftiiminaya xeerarkii iyo dhaqamadii nololeed ee mujtamaca soomaalida, iyadoo ay dadka reer Somaliland yihiin dad hodan ku ah hiddo samida dhaqanka iyo waliba balaaqada murtida suugaaneed, sidaa awgeed waxaanu u rajaynaynaa akhristayaashayada inay ka bogtaan mawduucan xiisaha badan oo aan hore noociisa oo kale loogu arag ama haddii lagu arkayna uu ku yaraa bogaga wargeysyada dalka ka soo baxa.

  • Odayaasha iyo xeerbeegtida maanta nool ee garaha qaada ama doonaya inay qaadaan waxaan jeclaan lahaa inay ka faa’iidasytaan mawduucan.Somalidu waxay dhaqan iyo hiddo u lahayd garsoor wanaagsan, gobanimo, is-jidmarin, is-xaalmarin, isudulqaadasho, is-dhaahin iyo mucaamil nololeed oo wanaagsan, kuwaas oo la odhan karo waxa uu 100% ka wanaagsaana shuruucda iyo qawaaniinta ay dunida casriga sheegataa maanta ku dhaqanto, iyadoo aanad maanta arkayn cid isu garaabaysa iyo cid is-garmarinaysa iyo cid garanaysa gartii xeerbeegti ee lagu kala bixi jiray, sidoo kale ma jirto guurtidii xeerbeegti ee dadka ku kala hagoogan jirtay marka ay xaajo murugto ee ay arimuhu dhab-qaan.

    Gartu way noocyo badan tahay, berigii horena qofku waa yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, laakiin noocyada loo garqaado waxa ka mid ahaa ama loo garnaqsado waxa ka mid ahaa:Garaw, Dhaahin, Xaal, Muslax, Gar-cadaawe, gar-shareeco, gar-xeerbeegti, Gar-booli, Gar-jilaad iyo qaar kale, waxaana dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-cadaaladeed iyo gar-eexo, laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qayb ka ahayd hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadku lahaa.

    Guddiga xeerbeegti ee garta qaadaysaa waxay ahaayeen kuwo yaqaan waxa ay wax ka garnaqayaan iyo waxa ay wax ku dhamaanayaan, hadii ay muslax tahay, hadii ay kala dareerin tahay, hadii ay gar cadaawe tahay iyo hadii ay gar kale tahayba, waxaase jiray wax la odhan jiray Samatalis iyo hadimo talis, kuwaas oo ahaa laba calaamo oo lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha gala, kuwaas oo u qaybsami jiray nin daacad ah oo la odhan jiray waa Samatalis iyo nin aan daacad ahayn oo la odhan jiray Hadimotalis.

    Garta hadii la feeniyo ama la Axalo-cunsiiyo cidda garnaqaysaa wax ambiil (Racfaan) ah lagama qaadan karo, taasina waxa weeye garta adag ee loo yaqaan gar-cadaawe.

    Somalida badideedu maadaama ay suugaanta hodan ku ahayd, isla markaana ay suugaantu ahayd waxay suugaanta u isticmaali jirtay garaha, sidaa darteed bal aynu waxoogaa ka taataabano suugaanta garaha loo isticmaali jiray iyo noocyada garaha ah ee lagu dhaqmi jiray, jidka ka horeeya garta, cadaymaha lagu kala gar helo, sida loo kala gar helo, xeerarka Somalida iyo kuwa xeer-ciqaabeedka ah, cidda xeerka jebisa sida laga yeelayo…

    Q: 2aad

    Ninka inuu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka waa ku ceeb, sidoo kale hadii laga gar helo waa inuu garawshiinyo bixiyaa, waayo hadii uu garawshiinyo bixin waayo waxay taasi noqonaysaa gun-nimo, laakiin cidda garta naqaysa xataa hadii ay si cadaalad ah garta u qaado cidda garta laga helay ma gafto waa layga eexday, waxba layma waydiin IWM, sidaa darteed cidda garta naqda waxay mar walba dhaxlaan godob.

    Laakiin cidkastaa haka cabatee cidda gartaqaadaysa waxa mar walba looga baahan yahay cadaalad iyo inay garta aad uga baaraan-degaan, iskana hubiyaan wixii ay cadaalad xumo uga iman karto. Sidoo kale dadka ama dhinacyada garnaqsanaysa waxa mar walba looga baahan yahay inay gartooda banaanka ku soo akhristaan oo ay qolo waliba dhinaceeda si fiican u ogaato cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo waxa dheeraadka ah ee sitaan, waayo waxa fiican inta aad banaanka joogto ee aaddan golaha iman inaad gartaada soo akhrisato, maxaad gar u leedahay, maxaadanse gar u lahayn, markaa “waa sidii Jemeshii Wacays kaliile’, marka aad arin gelayso waa inaad talo ku dartaa oo hadii aad is leedahay waxaa waad ku ceeboobaysaa aanad gelin, isla markaana marka aad aragto in lagaa gar helayo ama aad gar darran tahay aad garawdo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “nin aan garaw baranini gar ma barran”. Ta kale waxa iyana loo baahan yahay inaad malayso cidda aad wada hadlaysaan ee kaa soo horjeeda inay kaa af-roon tahay (Af-tahamo badan tahay) iyo in hadalkiisa lagaa xigo oo aanu kufkaaga ahayn, waayo Somalidu waxay tidhaahdaa “gadh-ba gadh baa la tusaa”.

    Ta kale waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale marka seedigaa kaa soo horjeeddo ama arini idin dhexmarto, soddoggaa oo kale iyo qof kasta oo xil kugu leh ama aaddan afka ku kala waaxi karin. Sidaa darteedna lagaaga toosan yahay ama wax odhaahiisu afka cid kale ku wanaagsan yahay. Somalidu waxay tidhaahdaa “Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado”. Laakiin dhaqan xumooyinka soo kordhay waxa ka mid ah in labada reer ama labada qof ee arini dhexmarto halkii si wanaagsan loogu gar-qaadi lahaa in gartooda la mashruuceeyo oo ay waqti dheer qaadato ama cidiba kala saari waydo oo ay isku sii murgaan oo timaha la isugu sooho ama marka ay arkaan in la isku dilayo ay iyagu iskood isaga kala dareeraan.

    Xiliyadii hore garta laba qof ama laba qolo loo qaadayaa kama ay badan jirin inay maalin ama habeen iyo maalin socoto xataa marka ay guddidu raagto oo ay debedda u baxdo, waayo waxa la odhan jiray “Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan meesha ku jirin ayey soo gelinaysaa”, isla markaana hadimada iyo waxa xun lama talin jirin, iyadoo xataa hadii aanu qofka aakhiradiisaba u tudhan ay marka horeba hadimo-taliska iyo eexdu godob aan hadhin leedahay, sidaa darteed hadii aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda “Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa”. Ta kale ninka hadimada iyo wax xun taliska ah waxa uu cawaaqibkiisu ka muuqan jiray naftiisa, maalkiisa iyo ubadkiisa, isla markaana cawaaqib-xumadaasi kama hadhin jirin sagaal awaw ama abadkiis, iyadoo dhinaca kalena uu dadka dhexdiisa ka noqonayo nin ceebo ioy naanayso leh oo canbaaraysan, bal eeg maahmaahan “Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay”, waayo markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob, laakiin ninka markhaati been ah furaa kalsoonidiisa iyo xeer-beegtinimadiisa, waayo mar hadii lagu yidhaahdo “Ninkaasi xaajo qaad ma aha”, War-gal ma aha”, “Hebel uga qaateen ma aha’ IMW waxa uu noqonayaa nin gabadhii guur-beeshay. Sidoo kale ninka ay maalin ka xumaato waxa raaci jiray jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo “Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago”, waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama raganimo ayaad kaga tagtaa. Masallan ninka suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey waxa la odhan jiray “farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug”.

    Laakiin marka laga yimaado ninka hadimo-taliska ah waxa isna jiray nin samatalis ah…

  • Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen caaqilnimo, ka dibna waxay isu tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii, iyadoo ay goortu ahayd goor barqo ah, markii uu halkaa geeyeyna wuxuu ku yidhi “Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya”, ka dibna hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aanu ka kicin, halkaas oo uu bacadkiisii fadhiyey, isaga oo ku dhididay, kuna harraaday, ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey , dabadeedna galabtii ayaa odaygii Guurtida ahaa u yimi , ka dibna wuxuu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, ka dibna odaygii Guurtida ahaa ayey ku yidhaahdeen na kala saar, dabadeedna odaygii ayaa yidhi “Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isu garnaqaye, waayo ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo”, sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.Waxa kale oo la sheegay inay laba nin oo uu mid markaa ahaa suldaan ay isku qabteen saldannada reerka, ka dibna sida igu maqaalo ah waxay isula tageen Ina-Cabdulla Xasan, dabadeedna Ina-Cabdilla Xasan ayaa ugu horayn labadii nin maalin casuumay, ka dibna labadii nin ayaa mid sii kaxaystay 100 nin oo isugu jira reerkiisa iyo reerihii kale ee la yaalayba, halka uu kii kalena keligii casuumaddii tegay, dabadeedna Seyidkii baa ninkii keligii yimi ku yidhi “Dhaharow maxaynu ka wada hadlaynaa waxa kaa madaxsan ninka dadkiiba dareersadaye”, sidaas ayeyna labadaa nin gartoodu ku dhamaatay.

    Sidoo kale dhacday inay laba nin oo sida la sheegay Ciise ahaa ayaa mid ka mid ahi maroodi dilay oo dhaawac u geystay , ka dibna nin kale oo Ciise ah ayaa dhiigii maroodiga ka daatay raadkiisa raacay, dabadeedna wuxuu u tegay maroodigii oo aan waxba la noolayn, ka dibna wuu dhaawac-tiray oo sidaa ayuu maroodigii ku qudh baxay , laakiin labadii nin ee midna maroodiga dhaawacay, midna dhaawac-tiray ayaa dacweeyey oo xeer Ciise isla galay iyaga oo sida la sheegay geedkii 1aad ilaa geedkii 12aad isla maray, dabadeedna oday ka mid ahaa raggii geedka fadhiyey ayaa arintii loo sheegay, odaygii baa yidhi, “Sow tii la yidhi Maroodiga durdur mooyee dar ma deeqo, oo duur mooyee dureemo ma qariso, oo nin makala (qudh-jara) mooyee nin mudaa ma dilo”. Ka dibna gartii sidaa ayey ku dhamaaatay, laakiin sida aan sheeko ku maqlay odaygii markii uu gartii sidaa ku dhameeyey ayey naftii ka baxday oo sidaa ku dhintay, waxaana la yidhi waxa halkaa ku baxay halkudheg la magac baxay “Nin malaggii galay iyo mamaasan (Qabiil) u gal”.

    Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama nin isku qaybsadaan wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda ay meel cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna horqaaday, lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane aanay cid kale ka kaxayn karin. Sidoo kale waxa dhacda xiliga dagaalada in nin colka labada dhinac ee dagaalamaya ka mid ahi uu dilo nin cadawga ka soo horjeeda ah, laakiin uu nin kale oo warranle ahi uu furkii ninka la dilay gacanta ku dhigo, iyadoo uu furkaasi noqon karo Faras ama qori, ka dibna ay furka ninkii ninka dilay iyo ninkii furka gacanta ku hordhigay isku qaybsadaan. Labadaas nin-na nin wuxuu taagan yahay “Anigaa ninka dilay oo furka ka ritay ama furkiisa dhacsaday maadaama aan dilay, nin-na wuxuu leeyahay anigaa naftayda biimeeyey oo cadawga ka soo qaatay furkan.”

    Sidoo kale waxa kale oo iyana dhacda in geel la soo dhacay uu nin habeenka hore xeraysto, ka dibna uu ninkii la soo dhacay ka sheegto, laakiin waa tii la yidhi Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye “Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay ama uu xeradiisa soo horgalay”, ninkaasna waxa kiciya ama gar xoolahaa kaga qaadi kara ninkii yedlaha ahaa ee xoolahaa lahaa, laakiin meelaha qaarkood waxa xeer u ah in ninka wax dilay ee furka la isku haysto ninkii lahaa dilay la siiyo qaalin la yidhaahdo Shakama-qabad. Ta kale marka laga hadlayo xeerarka dagaalka gaadaha (Dilka dhuumashada ah) mooyaane gulufku (Dagaalka kafool-kafoolka ah) ma laha godob gaar ah, laakiin hadhow marka la heshiiyo ama la is-waraysto ninkii furkii hebel inuu hayo lagu waraysto ama lagu arko, ninkaasi isaga ayaa qaba ama loo raacayaa godobtii ninkii furka lahaa ee la dilay.

    Waxa kale oo dhacday ama dhacda inay laba nin oo dagaal wada galay isku mar qori gacanta ku dhigeen, ka dibna way isku qabsadeen, laakiin markii ay indoora kala maroojisanayeen ee ay isku xiiqeen ayaa markii dambe mid qorigiisii uu hore u sitay tuuray, dabadeedna ninkii kale inta uu sii daayey ninkii qorigiisa tuuray ayuu qaatay qorigiisii uu tuuray, isla markaana ninkii qorigiisa tuuray wuxuu qaatay qorigii booliga ahaa ee ay ninka kale isku haysteen. Laakiin maalintii dambe ayuu ninkii qorigiisii tuuray ee uu ninka kale qaatay yidhi “Qorigaygii ayuu ina hebel haystaa markaa xigaal ayeynu nahay oo dhac inagama dhexeeyo’e halayga keeno qorigayga”, dabadeedna waa laga siiyey, ninkii qoriga laga qaaday waxa la siiyey samir-siis si aanay xigaalnimadu u dhantaalmin.

    Waxa kale oo dhacday inay wada duuleen laba qolo oo fandab leh (Xurguf), ka dibna waxay soo dhaceen geel, dabadeedna geelii ay soo dhaceen ayaa habeenkii meel looga xero-dhigay, iyadoo ay qolo waliba geel gaar ah wadato, waxayna ku kala xereeyeen laba xero oo isku qabsan, laakiin geelu waa oomman yahay, dabadeedna oday xiribta yaqaan (farsamada xoola-dhaqidda) oo labadii col midkood ka mid ah ayaa yidhi ” Xeradeenna waxaad ka dhigtaan xagga xigta ceelkii uu geelu ka cabbi jiray, isla markaana oodda labada xero u dhexaysa (Qoqobka labada xero) waxaad ka dhigtaan mid gaabban”, dabadeedna sidii bay yeeleen, ka dibna habeenkii ayaa geelii qolada kale tuladii hal-doorka ahayd oo dhami xeradii kale ee xagga ceelka xigtay ee colka kale u dhacday, balse subixii ayaa geeli xerada kale u daatay nin is yidhi dib u celi, laakiin nin colkii kale ah ayaa ninkii is-yidhi geela dib u sooc xabbad ku dhuftay, sidaa ayuuna ku dhintay, dabadeedna…

  • Gar-jileed: Gar-jileedda waxa la yidhaahdaa kama taggana macne ahaan buus-buus ka horgee, waayo qofka garta loo sito ama loo sheeganayo ayuu ka horgeeyaa wax u eg waxa loo sheeganayo, waxaas oo dadka markaa jooga kaga qosliya, isaga doonaya sidii uu suurtagal uga dhigi lahaa sidii ay labadaa wax isku nooc u noqon lahaayeen. Tusaale ahaan nin baa beri waraabe dabbin u dhigay, ka dibna waraabihii oo dabbinkii ku jira ayaa nin kale soo maray ooo uu waraabihii oo dabbinkii ku jira dilay.Ninka hore ee waraabaha dabbay sababta uu u dabbay waxay ahayd inuu dilo, laakiin hadana isaga oo is leh wax baad kaga helaysaa ayuu ninkii kale ee waraabaha dilay qaanabay oo uu ku yidhi maxaad u dishay waraabihii aan dabtay, ka dibna Haa ayuu ku yidhi , dabadeedna waxa uu ku yidhi “ii keen waraabahaygii”, ka dibna waxa uu ku yidhi “waayahaye soo qabso waraabe aan kuugu saanyo (qiimihiisa lagu sargooyo)”, laakiin wuu soo waayey waraabe kale ilayn waraabe gacanta ugu jiraa ma jiro’e, sidaas ayuu dabadeedna ku garwaayey. Tusaale kale hadii aynu soo qaadano waxa la yidhi nin baa beri yidhi “Wan (Neef) aanu Berbera ku wadnay oo aanu isnidhi dawga Sheekh mariya ayey badhidiisa oo aad u waynayd noo mari wayday dawgii, dabadeedna nin kale ayaa isna yidhi “Beri baan ka shaqayn jiray hudheel, markaas ayaanu anaga oo 100 nin ah hal digsi wada xali jiray, boqolkayagaa nin oo aanu nin-na ninka kale arkayn, dabadeedna ninkii wanka ka sheekaynayey ayaa yidhi, “Taasi ma wax dhici karaa”, ka dibna ninkii digsiga ka sheekaynayey ayaa yidhi “Hadaa ma sheekada aad ka sheekaynayso ayaa suurtagal ah”, ka dibna halkaas ayey labadii nin isku liqi kariwaayeen oo ay iska kala tageen oo ay arintoodu noqotay “inaga baandhee”. Sidaa awgeed garta tusaalayaashaa aynu soo qaadanay u nooc eg ayaa la yidhaahdaa Gar-jileed ama gar-badh. Laakiin sidoo kale waxa gar-jileed loo yaqaan garta aan dawga ay leedahay la marin ee la marin-habaabiyo.

    Gar-kala dareeris: Garta la yidhaahdo garta kala dareeriska ma aha mid loo eego cadaalad, laakiin waxay ua egtahay xal ama garta muslaxa loo yaqaan ayey u egtahay, isla markaana ragga had iyo goor garta caynkaas oo kale ah wax ka tara ama wax ka qabtaa waa ragga ku sifoobay samatalisnimada.

    Garta kala dareerisku cidna way ku jiifsataa, cidna way u sed-burisaa, laakiin had iyo goor inta badan waxa loo garta caynkaas oo kale ah loo qaadaa laba qabiil inkasta oo laba qof-na loo qaadi karo, masalan cidda ama qabiilka wax geystay waxay leedahay ama lagula dhaqmaa wax la yidhaahdo Qaboojis, jilid-salaax, sacabo-wadhad IWM. Marka arinta ama garta caynkaas oo kale ah lagu jiro waxa jirta xikmad Somalidu isticmaasho, taas oo ay tidhaahdo “Marka nin indho gar-darani ooyaan, indho gar leh maxaad mooday”. Laakiin waxa jirta xikmad kale oo tidhaahda “Walaalkaa hadii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho”, taas oo macneheedu yahay ninkii aad candhuufta ku tuftay gacantaada waad ka mari kartaa.

    Cidda ama qolada wax tirsanaysa ama wax loo geystay iyadana dhinaceeda waxa loo jeedinayaa waxyaalo ay ka mid yihiin Naq, Cabatin, baanis IWM. Tusaale ahaan marka uu nin si kama’ ah u dhinto wax hidaayo ah ma laha ee waxa la kala qaataa ama la kala gurtaa magtii oo dhan oo ah boqolkii halaad, iyadoo jifidana mar la kala qaato, qubanahana ama magweyntana mar la kala qaato, hadii la doonana mar saddexaad wixii hadhaa magta ka ah la isa siiyo, laakiin kolayba meel nin ku dhintay ma hawl iyo taah yara, taas oo masalan hadii ay mar kale tiiyoo kale dhacdo ay qolada wax laga dilay odhanayso “maantana ma laynoo noqday, kii hore ayaanay deero-deero u hirdiyin”.

    Laakiin bal aynu eegno sida arinkoodu noqonayo laba qolo oo ay hidaayo hore ka dhexaysay, hadana mar kale sidaas oo kale loo dilay hebel oo aanu reerka laga dilay ku jirin nin ka qiimo badani ama hadii aynu si kale u nidhaahno ahaa nin aanay reer hebel uga dambayn, ka dibna la isu soo qalab iyo rag urursaday, iyadoo muusanow la iskula dhex-wareegayo oo la leeyahay “Boqole boqol baa lagu doonaa”, ka dibna tol kale oo labada reer ee dhiiladu ka taagantahay u simmani xaajada soo dhexgalo, iyadoo ay arintu meel-xun marayso oo ay ku dhowdahay inay faraha ka baxdo oo ay labadii col is-kulaalayaan, isla markaana ay hadimotalis iyo bagaan beloba meesha joogo oo Go’ ridayo, waxayna qolada soo dhexgashay tidhaahdaa “Belaayo hor la qabto ayey leedahay ee daba la qabto malaha”.

    Waxa kale oo la yidhaahdaa “Reerku hadii aanu lahayn laba laba lagu gudo (Deeqsiyo), laba isu guda (Talo-qabeenno), laba laga gudo (geesiyiin) waxa la yidhaahdaa reerku reer ma aha, waxaana halkaa ka muuqatay inaanay reerka waxba ka dhamaanayn, mesalan ninkii oo boqol halaad ah hadii ay raggii dhexda ahaa ay xukumaan 150 Halaad iyo gabadh godob-reeb ah, isla markaana la yidhaahdo “Waa mag-dharaareed”, mag-dharaareedna waa magtii oo hal mar la wada bixinayo oo aan sidii caadiga ahayd waxba loo soo noqonayn, laakiin marka sidaa la xukumo arintaasi xal kale malaha, gartaasina waxay ku foorartaa qoladii wax dishay…

  • GARTA XEER-BEEGTI.Maganta:Magantu marka hore waxay u qaybsantaa dhawr qaybood oo kala ah; Magan kula taal, Magan kuu timi oo kula joogta, Magan kuu timi kaana tagtay iyo Magan kugu socota.

    Hadii maganta uu kuu dhaafo nin aad xigaal tihiin ama nin aad xeer leedihiin waxa ka timaadda dhibaato badan, waana la isku dilaa, waxaana badiba dhaqanka Somalida ka reebban in maganta la laayo, laakiin maganta lafteeda way kala duwan tahay marka ay cidda kuu dhaaftaa kuu garanayso iyo marka aan laguu garanayn, iyadoo aanay marnaba wanaagsanayn in maganta la laayaa.

    Masalan ninka gabadhi dhashay, gabadhna qaba, isla markaana hablihiisa la qabo ee ilaa saddex awow iyo ka badan reeraha la yaalay iyo nin muquuno (Xoolo) kaa doonayey oo isaga oo aan weli ku soo gaadhin oo ah magan kugu soo socota la dilay way kala sahlan yihiin oo waxa la odhan karaa labada nin ee labadaa nin kala dilay midna wuu kugu qaldamay, midna wuu kugu qaldmay, markaa way kala kiis culus yihiin.

    Tusaale ahaan Oday la odhan jiray Axmed Ilkacase oo ka mid ahaa ragga fiicnaanta aad loogu majeerto oo degaamada Togdheer u dhashay ayaa berigii dambe u kudaalay jiidaha bariga Sanaag, gaar ahaan degaamada Badhan, dabadeedna waxa la siiyey gabadh reer garaad ah, ka dibna wuxuu yidhi muddo markii aan joogay ee aanu raggii is wada baranay ayaan maalintii dambe shax la ciyaaray nin gabadha uu qabo ay kala jilib yihiin, waxaanse nala jooga seediyaday ninkii u sitay, dabadeedna ninkii shaxda ila cayaarayey ayaa igu yidhi “Waar bal Inan gumeedkan xun eega”, ka dibna Shaabuug aan sitay ayaan damcay inaan shan ku dhufto, laakiin seedigay ayaa igu soo booday oo I qabtay, wuxuuna igu yidhi “Waar Axmedow nin fiican baan ku moodayaye, balse ma tihid, wax baan ku waydiinayaaye ma taqaan ninka hadii la dhirbaaxo shanta qaalmood ee xaalka ah laga qaato, hadii la dilo oo Toorray lagu dilona ay kii Toorayda ku dhuftay iyo kii dhirbaaxada xaalka ka qaadan lahaa ay Tooridii lagu dilay hilibka ku wada cunaan”, ka dibna aniga oo cadhaysan ayaan ku idhi “Maya ee ma aqaan”, ka dibna wuxuu igu yidhi “waa adiga oo kale”, dabadeedna markii uu hadalkaa igu yidhi ayaan maalintaa ilaaway wixii tolkay kaga soo kudaalay ee aan ka tirsadday, waana soo guuray.

    Ninkii gabyaaga ahaa ee la odhan jiray Xaleef ayaa gabay uu ku tiriyey wuxuu ku yidhi “Waa baylah joog inan la yaal, bilisi hooysaaye, Shisheeyuhu bukaan kuma rog-rogo, kumana baantaane”.

    Xaal : Hadii aad maqasho hebel xaal hala siiyo ama arintaa xaal baa ka waajibay waxa weeye nin laga xarago qaatay ama xumaan lagu sameeyay, laakiin waxa lagu sameeyey isna samayn kara, balse si aanu u kiil-qaadan (Aar-goosan) ayaa lagu dhaahiyaa xoolo ama la siiyaa xoolahaasna waxa la yidhaahdaa “Xaal”. Bal aynu tuducan gabayga ah “Calow maqal cantuugad badhkeed waa calool melege, Calow maqal rag kula cayn ah oo ciillan baa jira’e, Calow maqal ciyaar iiga fudud ceeb inaa falo’e”. Tixdan gabayga ahi waxay muujinaysaa inuu ninka wax lagu sameeyey isna wax samayn karo, balse uu wax xeerinayo.

    Waxyaalaha xaalka la isu siiyo waxa ka mid ah, Garowshiinyo oo ah in ninkii xumaanta loo geystay loo garaabo oo la yidhaahdo raali ahaa waanu kugu qaldanaye. Waxa kale oo ka mid ah in Faras xaal loo siiyo, sidoo kale gabdhahana xaalka waa la isu siiyaa. Hase yeeshee had iyo goor waxa xaalka laga bixiyaa marka aanay meesha qoomo jirin ee ay wuxu yihiin aflagaado, laakiin hadii ay nabarro jiraan xaal ma leh ee waa la xaqaa oo wixii ay noqoto ee aduun ah ayaa la bixiyaa.

    Waxa kale oo jirta arin laba xaalley la yidhaahdo, taas oo ay tusaale ahaan ka mid tahay masalan gabadh la qaboo oo reerkoodii la taal ayaa la kufsaday, marka ay taas oo kale dhacdo gabadha reerkoodii ay ka dhalatay iyo reerkii qabay ee ay u dhaxday labaduba waxay yeeshaan xaal, taas oo kalena waxa la yidhaahdaa laba xaallay. Hase yeeshee waxa jira arimo had iyo goor ninka ragga ah looga baahan yahay inuu ka dulqaato, masalan hadii uu qaladaad ka soo gaadho xigtidiisa ama saaxiibadiisa waa inuu inta badan iskaga dulqaato oo aanu ka kiilqaaddan, laakiin hadii uu dulqaadan kari waayo waa inuu cawdaa oo uu yidhaahdaa waxaas iyo waxaas ayuu ninkaa aanu xigaalka ama saaxiibka nahay igu sameeyey ama waxaas iyo waxaas ayaan kaga cabanayaa, iyadoo cabatinkana inta badan lagu dhameeyo dhaahin iyo raali gelin, hadiisa ay intaana ku dhamayn waydo ninkii cabanayey waa inuu Naqaa, naquna waa guhaan, laakiin sidoo kale hadii ay intaasna ku dhammaan waydo waa inuu ninka wax laga tirsanayaa yidhaahdo waan ku garmarinayaa, waana inuu ninkii wax

  •         LA SOCO QAYBTA DAMBE .
  • l   tirsanayey garnaqsado, hadiise uu ninkii laga cabanayey garaabi waayo, waa inuu ka ergoodaa oo uu kaga eerto cidda xidhihiisa ah, waayo hadii aanu ka ergoon oo aanu kaga eerran cidda xidhihiisa ah oo aanu odhan waar gacalow ninkaa hebel halayga qabto oo aad wax samayso taa waa lagu ceeboobaa, maxaa yeelay hadii sidaa yeesho oo adiga oo aan ergoon aad wax samayso waxaad markaa lumisay milgo weyn oo aad lahayd, hadhowna laguu garaabi maayo ama waa lagu canaanayaa, waayo waxa kugu fillan miyaad nagu soo sintay, Somalidu waxay tidhaahdaa “May tidhina waa kayd rag”.
Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s