XEERKA ISKAASHIGA DEGAANKA EE SOOMALIDII HORE .W/Q QORAA SAED ISMAIL H.AWED.

Dhaqanka Soomaalida intiisa badan waxaa uu ku dhisan yahay iskaashi, iskaashi¬gu sida badan kuma xirna xigto ama xigaalo iyo xididka oo kaliya, hase yeeshee degaankuna waa is kaasha¬daa, waxyaabaha Soomaalidu iska kaasha to waxaa ka mid ah;- gaadiid ceshiga, sida caadiga ah dadku xagga dhaqaalaha waa ku kala duwan yihiin, sida aan hore u soo tibaaxnayna nolos¬ha dadka Soom¬alidu waxay ku xiran ta¬hay miyiga iyo xoolaha nool, nolosha miyiguna waa mid aan deggenayn oo had¬ba meeshii nur leh ama roob ka da’o ayaa loo roob raa¬caa. Sidaas awgeed, marka la guur¬ayo reer¬kii aan gaadiid uu ku guuro oo ku fi¬lan ama mar kaliya wada qaadi kara lahayn, waxaa la siiyaa Awr ay ku guuraan, marka ay degaanna dadkii la¬haa u celiyaan, taasi ayaa gaadiid celis la yiraahdaa.
(Reer geedi ah)
* Irmaan siin ama maashi, dadka xool¬aha yar leh, mar walba xagga caanaha ayay ciriiri kaga jiraan, sidaas darteed, dadka kale ee xoolaha badani u dhalaan ama u irmaan yihiin, ayaa nef¬af irmaan ah siiya, neefafkaasna marka ay guraan ayay dadkii lahaa u celiy¬aan.

* Maas ama amaah siin, xilliga jiil¬aalka ama ay abaari jirto, dadka aan masaggo iwm u kaydsanayn, ama magaalooyinka u safri karin oo raashin ka soo gadan karin, ciddii u heli karta ayaa raashin ay jiilaalka uga baxaan amaahin jiray, marka roobku da’ana waa ay u gudi jireen.

* Ciidamin, dhaqanka degaanka ee Soom¬alida waxaa ka mid ah ” ciidamiska “, haddii uu jiro reer aad u ciidan yar, xilliyada shubaasha ama ceel cabbaaga la yahay ee jiilaal ka ah, marka la guurayo ama la dego ee reer ka la ood¬ayo iwm, waxaa caado ah in loo ciidam-miyo oo hawsha lala qabto. Xataa waxaa jirta marar gabar ama wiil ciidan ahaan reer kale loo siiyo.

* Goobiska, marka beerta la falayo, ninka beerta iska leh ayaa maalin qabsada oo beesha ogeysiiya in maalin¬taasi uu goob qabo, ragga xoogga ah ee duddada (beesha) halkaasi wada deg¬gen, ayaa nin waliba Yaambadiisa horay u soo qaataa, waxaana uu si toos ah u yimaaddaa goobta lagu ballamay, subax¬nimada hore ayaa raggaasi isku mar hawsha falidda beerta isla bilaabaan, haddii ay beer aan weyneyn tahay, isla maalintaas ayay dhammaanaysaa, haddii¬se ay beertu aad u weyn tahay, maalin kale ayaa lagu ballamaa.

* Sidoo kale marka beerta la gooynayo, goobis ayaa jira oo beerta lagu gooy¬aa, marka Karoorkeeda la garaacayo ama la dhay bixinayana, sidoo kale waa la goobiyaa, marka bakaarta loo qodayo ama loo dhisayo iyadana waa la goobiyaa, sideedabana hawl beereedku dhaqanka Soomaalida goobis ayuu u badan yahay, marka haws¬ha goobiska lagu jiro, orta iyo sa¬waxanka waxaa laga soo raacayaa meel fog, qofkii aan hore u ogeyn ee sa¬waxanka maqlaayi waa uu ku leexdaa isla markaasna ka qayb galaa, goobiska lama diidi karo, qofkii diida iyo kii aan loo sheegin labaduba waa godob degaan. Hawlaha kale ee la isla goobi¬yo waxaa ka mid ah, qo¬dista ceelasha dha¬adheer ee garweynta lagu jabiyo, waxaa kale oo ka mid ah, marka hoorri¬ga (A¬qal Soomaaliga) la dhisay¬o, isa¬gana du¬marku waa isla goo¬biyaan. Haw¬laha gobiska la isagama baxo cudur¬daar su¬gan la’a¬an, qofkii inta goobis¬ka loo sheego ka maqnaadana godod ayuu galay ooo degaankiisa ka galay, waxayna taasi saamayn ku yeelata xiriirka isa¬ga iyo degaankiisa ka dhexeeya, berito ka maalin marka uu ciidan u baahdana, waxay u badan tahay inuusan beesha gacan iyo garawsho midna ka helin.

Iskaashigudhaqanka Soomaalida aad buu ugu badan yahay, waliba sida badan waa la isu garta ee kuma xirna inuu qofku wax codsado, tusaale ahaan, bee¬shii meel wada deggeniba waa is xaal og tahay, markaas qofka baahan inuu baahidiisa degaankiisa u sheegto dha¬qan Soomaali¬yeed ma aha, waxaadna ka dheehan kartaa maahmaahda oranaysa ” nin fadhigaaga arkaya looma sara joogsado “.

LASOCO QAYBAHA DAMBE.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s