Bogga suuganta .

CIYAARAHA HIDAHA IYO DHAQANKA SOOMALIDA .Q/2AAD

W/Q author saed ismail h.awed

  1. 2. JAANDHEERTA .

kulanti wanaagsan dhamaan akhritayaasha maqaalkan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka soomalida waa marlabad iyo  qaybtii labaad o aan kaga hadli doono insha allaah,jaandheerta oo ah ciyaarta labaad ee laga ciyaaro deganada soomalida waxaa ay asal ahaan kasoo jeeda ciyaartani gobolada bariga Somaliland gaar ahaan gobolka sanaag oo ah gobolka ugu hodansan ciyaartan oo dadka kale ay u yaqanaan BARIYO AMA CEERIGAABAWI .

ciyaartan waxaa badanaa laga ciyaaraa munasabadaha qaliga ah sida

  1. Aroosyada
  2. Xafladaha
  3. Xusaska qaaliga ah sid 18 may oo kale.

ciyaartan loo yaqaano jaandheerta waa ciyaar habdhac iyo hanaan gaar ah leh waxaa ay leedahay luuq gaar ah waxaana laga ciyaara gobo lama degaan gaar ah isla markaasna waxaa lagu bineeya habab kala duwan sida:

hobeya hobeeya hobeeyooy .

naa fadka bari kazoo baxayeey

bilig biligta soo gurayeey

buur dhaab ku tiirsadayeey

oo banka caged biyaha dhigayeey

na hobeeya habooye hobeeyooy   .

waxaa ciyaartan loo ay kaga duwan tahay dhaantada iyo ciyaaraha kale laba qodob oo aad u qaali ah kuwaas oo ah

  1. Jiib  : waxaa weeye sida la iskula helo luuqda gaarka ah ee ay ciyaartani leedahay taas oo hal nin ku heesayo kuwa kale ee la safanina ay ka daba jiibinayaan .
  2. Jaan : waxa ay iyana tahay habka debecsan ee dhulka lugta loola dhacayo taas oo samaynaysa hab gaar ah iyo sanqadh gaar ah.

Ciyaartan jaandheerta waxaa ay hadba ku xidhan tahay meesha laga ciyaarayo nooca ay ,noqondoonto waa ciyaar hodon ku ah suugaan kala duwan oo leh luuq gaar ah,inta aad daawanayso qalbigaaga aad buu ugu raaxaysanayaa indhahaaguna aad bay ugu dogsanayaan

Dadka degaanka aan kor kusoo xusnay ku dhaqani aad ayay u jecel yihiin uguna faanan ciyaartan loo yaqaano jaandheerta ma ciyaaran ama ma dheelaan oo qudha munaasabadaha aan kor kusoo sheegnay laakiinse dadku marka ay soo hooyaan xoolaha waxaa jirta goob ciyaareed loo yaqaano GEGI. Taas oo ah meel ciyaarta habeenkii da,yartu isugu yimadaan wiilal iyo habloba oo ay ku dheelaan ciyaar gudka habeenkii waxaa ay noqotay camal ay qabtaan dadka reer miyiga ah eek u dhaqan goobahaas waayo ma jirto wax kale oo ay habeenkii qabtaan .

Kolka ay ciyaartu socoto waxaa ay dhalinyartu wada qaataan caweys wanaagsan oo ay ku dheehan tahay haasaawe caweys gud ah kaas oo keena ama kor u qaada is dhex galka dhalin yarta iyo cidhib tirka colaadaha iyo kala faquuqa bulshada .

Ciyaartani waxaa ay walaalaysaa bulshada degaanka ku nool, waxayna xoojisa dhaqanka iyo hidaha guud ahaan iyo gaar ahaaneed ee degaanka .

Ciyaaryahanka ciyaarta dhameeyey waxaa loo yaqaana HOOBAL waana macalinka ugu weyn ee ciyaartaas bara dadka kale ee aan aqoon isla markaasna iskuulka ugu weyn ee ciyaartani uu yahay GEGIDA ,waxaa uu noqdaa qof lagu faano hodona ku ah ciyaarta isla markaasna ah qof hogaamiya ciyaarta hadii munaasabad la tegayo.

LASOCO QAYBTA DAMBE .

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s