Sheeko Gaaban. ”’Waxaan usoo Joogay saddex.”” W/Q :Qoraa Saed Ismail H.awed.

Waxaan Usoo Joogay,Saddex, Aabahayna Wuxuu Usoo Joogay,Saddex, Awoowgayna  Sadex Buu Usoo  Joogay!!!!!

Waa saddex da’ faceed ama jiil, soona kala noolaa saddex casri ama sebaan oo dareere taxan isu daba yaalla. Waxa ay saddexdu u soo kala taagnaayeen saddex amuurood ama adduun-arag oo kala geddisan, kuna kala duwan wakhtiga iyo dookha.
Aabbahay aabbihiis oo awoowgey ah, awoowgey inankiisii oo aabbahay ah iyo aniga oo aabbahay inankiisii ah, ayaa u soo kala joogey saddex xaaladood, saddex waayo-nololeed iyo saddex fikir adduun- arag.
-Awoowgey saddex buu soo joogey:

xoolaha la dhaqdo oo uu farasku ugu mudan yahay, ugu qiimo badan yahay, looguna jecel yahay, inanta la doonayo in la guursado oo la hidde aroor-raaco, dibna loogu noqdo halka ay ka soo jeeddo min hooyadeed ilaa ayeeyooyinkeed, aabbaheed ilaa iyo awoowayaasheed iyo garta niqiddeeda oo lagula eerto, loona geeyo oo loola tago, laguna aamino wadaadka ama sheekha ugu af-dheer culuunta diinta islaamka marka meselo la isku qabto.

-Aabbahay ayaa isna seddex kale u soo joogey:

xoolaha la dhaqdo oo uu geelu ugu mudan yahay, uguna qiimo iyo qaaye badan yahay, looguna jecel yahay, inanta la doonayo in la guursado oo aan si durugsan loo hidde-raacin ee la is weydiiyo waa ina ayo iyo waa tuma hooyadeed oo keliya iyo garta oo loola tago, loona geeyo niman xeer-beegti loo yaqaan oo ka mid ah odayaasha geed-joogayaasha ah ee ardaayada qabaliga ah.

-Aniga ayaa u soo taagan maanta saddex kale:

xoolaha oo uu ugu mudan yahay, looguna jecel yahay naqadku ama kaashku (lacagta caddaanka ah), inanta la doonayo in la guursado oo uu dookha iyo wejigeedu go’aamiyo, mudnaanta koowaadna aan la siin qoyskooda (aabbaheed iyo hooyadeed) iyo halka ay ka soo jeeddo iyo garta oo lagula eerto oo loola tago, loona dhiibto odayaal koofiyad-baclayaal loo yaqaan oo suuq-joogayaal ah.

GAMMAANKA, GEELA IYO NAQADKA
Jiilkii soomaalida ee noolaa muddo laba qarni ku siman, waxa ay xoolaha ugu jeclaayeen gammaanka oo uu farasku ugu horreeyo. Soomaalidu waxa ay u noolaayeen hab-degsiimo beeleed oo qabali ah, waxa ka dhexeeyey loollan ay ku kala riixanayaan dhulka carro-sanka ah ee baadka iyo biyaha leh. Dagaallo xilliyada qaar riiq dheeraada ayaa wakhtiyada qaarkood ka dhex qarxan jirey. Farasku haddaba waxa uu ahaa gaadiidka ugu firfircoon dhanka weerarka, ilaalada, qayla-dhaanta, war tebinta, sahaminta iyo u dul-qaadka gaajada iyo harraadka dhulka omoska iyo baaxad-sooraha ah. Haseyeeshee ilaa boqolkii sannadood ee la soo dhaafay, waxa dhiigga soomaalida dhex muquuranayey jamashada iyo jacaylka geela.
Ood-wadaag kasta oo qabaa’ilka soomaalida ka mid ah, waxa ka dhex oloosmi jirtey colaad ka soo jeedda geelal la kala qaaday. Arladu waxa ay ahayd meel qaxar iyo lur badan oo guhaadda colaadahaas iyo abaaro u kala dambeeyaan. Geelu haddaba waxa uu noqday ishin (xoolo) buuxiya baahidii soomaalida xilligaas. Waxa uu geelu xammiley kulaylkii dhulka oomanaha ah, waxanu ka soo hadhay abaartii oo waxa uu u adkaystay gaajadii iyo harraadkii. Waxa lagu beegay magta ragga la kala laayo, waxa laga bixiyey yaradkii gabdhaha, waana la rartay oo waxa uu noqday gaadiidkii rasmiga ahaa ee soomaalida.
Xilligan casriga ah faraska iyo geeluba way banneeyeen kasha soomaalida iyo kaaalintaas ay buuxin jireen oo waxa beddeley lacagta caddaanka ah iyo guufafka bagaashka ah ee la rog-rogo, waxana suurta gal ah in dad badani boqol Gini qaataan oo ka door bidaan dhowr tuldood oo geel ah. Ninka dhowrka kun ee Doolar ama guufka u dhigma haystaa waxa uu ka magac iyo maamuus roon yahay ninka kadinka geela ahi uu u foofo.
GUURKA
Dhinaca kale soomaalidii hore ee awoowayaasheen iskama guursan jirin dumarka. Waxa guurka ka horrayn jirey u kuur-gal iyo xog raadin fara badan oo ku arooraysa inanta calaamo saaran iyo halka ay ka soo jeeddo, waxa la raadin jirey dhaqanka qoyskooda iyo xitaa jilibkooda, lama guursan jirin ilaa waxyaalahaas la soo xaqiijiyo oo la ogaado in dhaqanka reerkoodu uu wanaagsan yahay. Muddo ka dib jiilashii danbe waxa ay arrinta ku koobeen in mudnaanta la siiyo oo wax laga ogaado gaar ahaan dhaqanka hooyada iyo guud ahaan raganimada aabbaha inanta la guursanayo.
Xilligan aynu nool nahay iyo maanta, waxa sheekadaasi u muuqataa mid isbeddel weyni soo foodsaarayo. Waxa inanka guur-doonka ah ee maantu muhiin u arkaa dookhiisa, waxa ay qanaacaddiisu ku xidhan tahay quruxda inanta uu guursanayo; dhabankeeda iyo shanshadeeda,waxba kama gelin aabbaheed iyo hooyadeed iyo halka ay ka soo jeeddo.

GAR-NAQSIGA
Soomaalidii hore marka la is qabto waxa lagu kala bixi jirey kitaabka Qur’aanka ah. Wadaadka ayaa garta loo geyn jirey oo dadka kala guri jirey oo lagu kalsoonaa. Xaq-soorka wadaadka ayaanay ugu dhammaan jirtey laba dhinac ee is haya. Muddo ka dib xilliyadii ku beegnaa soo gelitaanka gumeysigii Reer Yurub wixii ka danbeeyey, waxa taas beddeley oo soomaalida dhexdeeda ku faafay in garta loo dhiibo qabyaaladda!
Wax kasta oo la isku qabto waxa la geeyey geed ay hoos fadhiyaan niman xeer-beegti loo yaaqaan oo ka tirsan garabyada is haya. Waxa odayaashu ahaayeen niman dhaqanka iyo caadooyinka soomaalida aad ugu xeel dheer. Halka wadaadku uu kitaabka ka eegi jirey, odayaashu waxa ay kaashadeen dhaqankaas iyo sida ay iyaga la tahay. Taas ayaanay odayaasha xeer-beegtidu ay dadka ku kala guri jireen, kuna kala hagaajin jireen, iyaga oo isku taxalujin jirey in aanay gar-eexo niqin.
Muddooyinkan dambe waxa odayaashaasi iyana laga qaaday talo goyntii geedka taalley, waxana taladaas loo soo raray oo la keenay xafiisyada magaalada. Waxa qaatay talo-goyntii iyo gar-niqiiba oo meherad ka dhigtay odayaal suuq-joogayaal ah oo aan xitaa aqoon-durugsan u lahayn dhaqanka iyo hiddaha soomaalida. Odayaashaas oo dadka qaar ugu yeedhaan meelaha qaar Koofiyad-baclayaal ayaa la igmadey oo loo daba fadhiistay dalandalintii danaha dadka iyo maarayntoodiiba. Halkii odayaasha geed-joogayaasha ah ee ardaayadu ay ka cuskan jireen xeerarka ka soo jeeda awaasha dhaqanka iyo hiddaha soomaalida, waxa ay odayaashan suuq-joogayaasha ahi ka cuskanayaan maanta xeerar iyo qawaaniin aanay xitaa iyaga laftoodu fahmi Karin, aqoonna aanay u lahayn oo laga soo min guuriyey dhaqamo iyo caadooyin qalaad oo aan xidhiidh la lahayn dhaqanka iyo yiqiinta ummadda soomaalida.
GUNTII
Saddexda da’faceed ee saddexdan u soo kala joogey waa caqli-gal in jiilba ka kale la yaabaa, waxase xaqiiqo ah in jiilba uu leeyahay samaan iyo xumaan, meel uu ku wacnaan karo iyo mid uu ku xumaan karo, haseyeeshee waxa hubanti ah in facba facii uu ka horreeyey uu ka asalsanaa, dhaqankiisu ka dhaladsanaa, yiqiintiisu ka toosnayd, dadnimadiisuna ka wacnayd. Waxa ay ahayd in casrinimadu horumar keento, waxa ay ahayd in ilbaxnimadu ay nolosha sii macaanayso oo dhadhan u sii yeesho, siina hagaajiso oo sii fududayso, haseyeeshee marka la eego saddexdan saddexda u soo kala joogey, waxa muuqanaysa in markasta hoos looga sii dhacayey halkii hore ilaa sag-xadda la qaniiney oo la waayey maanta wax la dugsado, meel wax loo tix-raaco iyo wax la kala xigto midna.
Qofka aadamiga ahi marka uu hiddihiisa iyo xaqiiqadiisa ka sal kaco, waxa uu mutaa waa waxaanu lahayn oo booli ku ah. Wuu la qabsan waayaa oo daalaa-dhiciisa ayaa bata, meel cidla’ ah ayaanu ugu dambaynta ku soo dhacaa. Waxa qummaan in qofku hiddiihiisa iyo dhaqankiisa la fal-geliyo yiqiintiisa iyo qiyamkiisa diineed, sooyaalkiisana aanu ka hayaamin ee ku sargooyo diintiisa iyo nolosha casriga ah oo aan is diidanayn. Soomaalida ayaana hore ugu maahmaahday oo u tidhi “Faras aanad lahayn futo qarrar baa laga qaadaa”.

Advertisements

2 thoughts on “Sheeko Gaaban. ”’Waxaan usoo Joogay saddex.”” W/Q :Qoraa Saed Ismail H.awed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s